|
|||||
WAJAALE NEWS
Si Kasta Ha Iigu Adkaato Danta Qaranka Ayaan U Aqbalayaa dhinicii Kalay U Xukumeen”Muuse Biixi Cabdi
June 7, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenewws)-Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa ku dhawaaqay in uu aqbalay go’aamadii ay gudidii dhexdhexaadinta khilaafka Xisbiga KULMIYE ku dhexdhexaadisay khilaafka Xisbigaasi. Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo markii gudidu ay go’aankaasi ku dhawaaqeen la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aanay haboonayn in gar aad cid u dhiibato aanay macquul ahayn in sida aad doonayso ay wax kuugu xukumaan,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in go’aamada la soo saaray loo xagliyey dhinaca kale ee Xukuumada balse uu u tanaasulaayo danta qaranka sidaasi darteedna uu ku aqbalaayo go’aamadaasi ay soo saareen gudida dhexdhexaadinta khilaafka KULMIYE. “waxaa ay ila tahay hadaad raga aad arin u dhiibato maaha sidaad doonayso in ay kuu xukumaan inkasta oo ay adag tahay sida ay wax u jareen hadana waan aqbalay,Go’aamada waan aqbalay sida ay ahaayeen si kasta ha iigu adkaato danta qaranka ayaan u aqbalayaa aniga waxba layma soo qaadinee sidii kalay u xukumeen waan se qaatay”Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE Related posts:DAAWO: Qaxooti Cusub kana soo Cararay Dagaalada Dalka Yemen oo Maanta soo Gaadhay Dekeda Berbera Madaxwaynaha Punthland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Deegaano Katirsan Gobolka Sanaag Iyo Dareenka Xukuumada... Daawo:Cali guray Oo iftiimiyay Cida Habeenkii Niska Danbe la Wareegta Talada Qasriga Madaxtooyada S... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|