Shirkii Beelaha Arab Uga Socday Baligubadle Oo La Soo Gabagabeeyey Lagana Soo Saaray 7-Qodab. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkii Beelaha Arab Uga Socday Baligubadle Oo La Soo Gabagabeeyey Lagana Soo Saaray 7-Qodab.
June 13, 2014 - Written by Wariye:

shirka beelahaHargeysa(wajaalenews):-Shirkii Beelaha Arab afartii maalmood ee u dambeeyay uga socday Magaalada Baligubadle ayaa la soo gabagabeeyay. Shirkaasi waxaa ka soo baxay 7 Qodob oo u badan Ilaalinta Amaanka iyo Horumarka Beesha.
Go’aanka Shirkaasi ka soo baxay waxay u dhignaayeen sidan:-
JamhuuriyadaSomaliland   Republic of Somaliland

Shir Gudooka Shirweynaha Beelaha Arab ee Afgarad3

Taariikh 13/06/2014
Go’aamadii Ka Soo Baxay Shirkii Beelaha Arab

Sulaadiinta, Siyaasiyiinta, Culimaa u diinka, Cuqaasha, Waxgaradka, haweenka dhalinyarada, Saxaafada iyo dhamaanba ka soo qayb galeyaasha shirkii Beelaha Arab ee afartii maalmood ee ugu dambeeyay ka socday Magaalada Baligubadle oo maanta aynu u  fadhino gabogabadiisii.

Shirka Beelaha Arab ee Ka Qabsoomay Magaaladda Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd, Waxa laga soo saaray Qodobada hoos ku qoran:

1-     In jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay Lama taabtaan

2-     In Beelaha Arab ay Kula noolaadaan hab nabad galyo Beelaha ay Ood wadaagta yihiin.

3-     In Beelaha Arab ay nabad galyada ilaaliyaan meel kasta oo Beeshu degto.

4-     In Beelaha Arab ay tix geliyaan is dhex galka Bulshada iyo wada noolaanshaha guud.

5-     In Gudida Guud ee Shirkii Beelaha Arab lagu magacaabay oo ah Gudi horumarineed ay ahaan doonto mid la shaqaysa Madax dhaqameedka iyo Xubnaha Dawlada kaga jira.

6-     In xidhiidh joogto ah Beelaha Arab ka yeeshaan xaaladaha ka jira deegaamada ay Beelaha Arab degaan.

7-     Waxa Shirweynaha Beealaha Arab go,aamiyey in wadada Hargeysa ilaa Baligubadle sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro

Illaahay talada ha ina waafajiyo

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS