|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkadda Human Care ee soo dajinta qalabka caafimaadka ee laysku baadho oo wacdaro ka kamuujiyey Carwada Maansoor oo waxqabadkeeda ku soo bandhigtay +Daawo sawiro
June 26, 2014 - Written by Editor:Shirkadda Human Care ee soo dajinta qalabka caafimaadka ee laysku baadho oo wacdaro ka kamuujiyey Carwada Maansoor oo waxqabadkeeda ku soo bandhigtay Hargeysa [Wajaalenews]-;Shirkadda soo dajinta qalabka caafimaadka gaar ahaan kuwa laysku baadho ama lagu cabiro heerka caafimaad ee qofka ee Human Care ayaa waxbaqadkeeda ku soo bandhigtay carwada bandhigga ee Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa
Shirkadda Human Care oo ah Shirkadda kaliya ee nooceeda ah ee dalka ka jirta ayaa soo bandhigtay tirada iyo tayada qalabka la isku baadho sida cudurka macaanka, dhiikarka iyo wixii la mid ah kaas oo laga soo waariday waddamada dibadda waxaana qalabkaa lagu sameeyey warshadaha waddamada horumaray ee soo saara shaybaadka iyo qalabka casriga ah. Maamulaha shirkaddasi Human Care Daignostics Ltd Mudane Cali Shaakir Maxamuud Cabdillaahi ayaa ka warbixiyey tayada qalabkan laysku baadho ee ay shirkaddoodu keentay iyo waddamada lagu sameeyey qalbkaas.
dhinaca kale, Maamulaha shirkaddu waxa uu sheegay inay dadku aad ugu macaasheen qalabkan ay dalka keeneen oo aanay jirin iyaga mooyee shirkad kale oo dalka keent qalabkan “Shirkadda Human Car waa shirkaddii nooceeda oo kale ah ee dalka laga sameeyey annaga mooyee shirkad kale oo keentayna majirto” ayuu yidhi Cali Shaakir Maxamuud. Shikaddu waxay xafiisyo ku leedahay magaalooyinka Hargeysa, Boorame, Burco, Boosaaso, Gaalkacayo iyo Muqdisho” ayuu yidhi maamulaha shirakdda qalabka caafimaadka ee Human Care Mr Cali Maxamuud. Haddaba aan kuu tilmaamee xafiiska Shirkadda Human Care Daignostics Ltd waxa uu ku yaallaa dhinaca Galbeedka ee Shirkadda Somtel hadii aan doonayso xafiiskeeda Hargeysa. waxaanad halkaa ka helaysaa qalab tayo leh oo aad si dhib yar oo casriya kula socon karayso hadba dhaq dhaqaaqa caafimaadkaaga adiga oo shaqadaada ama gurigaagaba jooga oo aan dhakhtar iyo safar dheer toona u baahnayn. HARGEISA OFFICE WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|