|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkadda Dahabshiil oo Deeq Lacageed Gaadhsiisey Waddada Allaybaday-Arabsiyo
June 30, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(Wajaalenews); Maareeyaha Guud ee Xarunta Shirkadda Dahabshiil, Mudane Cabdiraxmaan Cali Cabdi, ayaa guuddoonsiiyey Guddoomiye-ku-Xigeenka Guddida Dhismaha waddada Allaybaday iyo Arabsiyo, iyo xubno kale oo isugu jira waayeel iyo waxgarad oo weheliyey, deeq lacag ah oo dhan US$25000 (Shan iyo labaatan kun oo Dollarka Maraykanka ah). Munaasabad kooban oo lagu qabtay xafiiska Maareeyaha Guud, Axad 29 June 2014, ayaa waxa ugu horrayntii ka dareen celiyey sida shirkadaha Dahabshiil u soo dhoweynayaan dedaallada iskaa-wax-u-qabso ah ee bulshadu ugu tartamayso horumarinta deegaannada iyo kaalinta wax-ku-oolka ah ee Shirkadaha Dahabshiil Group kaga qayb qaataan dhiirrigelintooda. “Waxa kasta oo shirkadaha Dahabshiil ku darsadaaan mashaariicda horumarineed ee socda ma aha wax kale ee waa falcelin ka soo unkamay dedaalka bulshada iyo deegaannada kala duwani la yimaaddeen eek u jihaysan horumarinta adeegyada, oo waddooyinku qayb muhim ah ka yihiin”, ayuu yidhi Maareeyuhu, isaga oo ku daray in falsafadda shirkadaha Dahabshiil ay ka mid tahay in waxtarka loo geysto bulshadu yahay mid khayr iyo barakaba kun-jibbaaran oo uu mar walba faa’iido yahay. “Waannu ognahay,”ayuu yidhi “in qoonadada manta aannu idin soo gaadhsiinnay ay ka tahay dhibic dedaalka guud ee loogu jiro dhammaystirka waddadaa, haddana waxa lagama maarmaan ah inaanu idinku garab galno, idinku dhiirrinno, oo idiin bilowno wixii itaalka iyo wakhtiguba maanta innoo saamaxaan”. Guddoomiye-kuy-Xigeenka Guddida Dhismaha Waddada, Chief Caaqil Mohamed Yuusuf Aadan, ayaa dhankii aad uga mahdadooday sida sharafta leh oo shirkaddu u karaamaysay Guddiga iyo hawsha ay u xilsaaran yihiin. “Dareenkaygu ma cabbiri karo qaderinta shirkaddu na tustay iyada oo ah shirkaddii u horreeysey ee si mug leh u ajiibtay, ugana dhabaysay, baaqii aannu bulshada, ganacsatada iyo qurbajoogga ugu gacan haadinney ka-qayb-qaadashada dhismaha waddada,” ayuu Yidhi Chief Caaqil Mohamed Yuusuf, isaga oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin, uguna ducaynayaan mugga waxtarka shirkadaha Dahabshiil Group taarteen dhismaha waddada. Mooge Ali Yuusuf, oo ka mid ahaa waayeelka iyo waxgaradka madasha fadhiyey, ayaa isaguna waxa uu hoosta ka xarriiqay sida aanay mudda dheer oo jiitanta aanay uga lumin shirkadda Dahabshiil. “Qiimaynta aad na tusteen ayaa wax walba nooga badan’, ayuu yidhi Mooge “ iyada oo manta Ramadaan Kow tahayna bilow Baraka le ayay noo tahay deeqdan mugga leh ee shirkadaha Dahabshiil ugu deeqeen waddada Allaybaday-Arabsiyo”. Muuse Yuusuf Cadduur ayaa dhinaciisa ballan qaaday inay ka guddi ahaan iyo ka deegaan ahaanba meel muuqata gelin doonaan deeqda shirkaddu soo gaadhsiisay, ummadduna midhaheeda si siman uga faa’iidaysan doonto. Muhumad Aw Cabdi, Guddoomiyihii hore ee hay’adda Shaqaalaha, ayaa isaguna tilmaamay in ay bog dahabi ugu qornaan doonaan shirkadaha Dahabshiil, isaga oo yidhi “in Dahabshiil nala maseeyey oo isku si noo qaabilay waddooyinka kale ee waddanka ka socda ee naga dhaadheer ama naga dhibta badan ayaa noo muujisay in shirkadda iyo madaxdeedu aanay waxba nagala hadhin ee noo sed buriyeen, taana mahadnaq iyo duco ayaannu beddelkeeda iddinku huraynaa si kal iyo laab ah”. Madasha lagula kala wareegey deeqdan waxa goob joog ka ahaa dhinaca Dahabshiil Maareeyaha Guud, Cabdiraxmaan Cali Cabdi, Madaxa Shaqaalaha Axmed Faarax, Madaxa Xidhiidhka Dadaweynaha Xasan Xiis, Maxamed Jaamac Iriir (Xisaabaadka) iyo Xasan Cusmaan (Real Estate). Sidoo kale waxa Guddiga Dhismaha Waddada Allaybaday-Arabsiyo metelayey Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga, Chief Caaqil Maxamed Yuusuf Aadan, Mugumad Aw Cabdi, Ibrahim Cabdi Xuseen, Mooge Cali Yuusuf, Muuse Yuusf Cadduur iyo Axmed Cabdi Bakaal, Guddoomiyaha Bisha Cas ee Somaliland
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Madaxweyneku-xigeenka Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuc Tamarta Cadceedda Laydhka Oo Laga Hir-geliya... War Deg Dega; Madaxwayne Siilaanyo Oo Buuxiyay Labadadii Wasaaradood Qaarkale Xilalkii Ka Qaaday K... “Somaliland Aqoonyahankeedu Sidii Iyo Halkii Ay Uga Doodi Karaanba Waa Sax Inay Uga Doodaan Dalkooda... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|