Shil Baabuur Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Duleedka Koonfureed Ee Magaalada Hargeisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shil Baabuur Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Duleedka Koonfureed Ee Magaalada Hargeisa
June 3, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews)Waxa Goor-Dhaweyd Shir Baabuur Oo Dhaliyay Khasaare Iskugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac Uu Ka Dhacay Duleeddka Koonfureedd Ee Magaaladda Hargeysa, Kaas Oo Ilaa Hadda Inta La Ogyahay Ay Ku Geeriyootay Hal Ruux Oo Haween Ah, Halka Wararku Sheegayaan Dad Gaadhaya 12 Qof Oo Kale Dhaawacyo Ka Soo Gaadheen.

Dhaawac Iyo Meydka Shilka Baabuur Ayaa La Geeyey Cusbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa, Waxaana Dhimashada Iyo Dhaawaca Noo Xaqiijiyey Shaqaalaha Caafimaadka Ee Cusbitaalka Weyn, Gaar Ahaana Qaybta Gargaarka Deg Dega Ah.

Baabuurka Shilka Galay Ayaa La Sheegay Inuu Ahaa Baabuurta Caanaha Ee U Baxa Deegaanka Gobolka Hawd, Gaar Ahaana Deeganka Sallaxley Iyo Tuulooyinka Hoos Yimaada.

Wajaalenews.net

Hargeisa/office

c/raxmaan carab

COMMENTS
LINKS