Sheekh Aadan Siiro Oo Ugu Baaqay Gudida Dhexdhexaadinta Khilaafka KULMIYE In Ay Cadaalad U Sameeyaan Garabyada Is-Haya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekh Aadan Siiro Oo Ugu Baaqay Gudida Dhexdhexaadinta Khilaafka KULMIYE In Ay Cadaalad U Sameeyaan Garabyada Is-Haya
June 6, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan Siiro)ayaa maanta ugu baaqay Gudida Golaha  Guurtida ee dhexdhexaadinaysa khilaafka Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE in ay ka cadaalada falaan arintooda dhexdhexaadineed ee ay galeen khilaafkaasi.

Sheekh Aadan Siiro oo maanta khudbadii jimcaha kaga hadlay talooyin nasteexa oo uu u soo jeedinaayo Gudida Golaha Guurtida ee khilaafkaasi dhexdhexaadinaysa waxaa uu marka hore uu gudidaasi ku amaanay sida qiimaha leh ee ay marwalba Odayaashaasi ay wax uga qabtaan marka ay yimaadaan khilaafyada noocan oo kale ah,waxaana uu carabka uu ku dhuftay in maanta looga baahan yahay gudidaasi in ay cadaalada u sameeyaan garabyada iska soo horjeeda si dalka iyo dalkaba aayahooda loo badbaadiyo,waxaana u sida oo kale uu xusay in aanay u eegin cida Mansab ama wax kale haysa balse ay muhiim tahay in la eego maslaxada umada iyo danta caamka ah ee lagu badbaadin karo dalka.
“Khilaafkan umada ayaa leh taladii umada ayaa laysku haystaa hebel,Xisbi iyo reero taana ma taagnaa waa in aad raacdaan xaga umada taladeedu ku jirto,umada wanaageedu ku jirto.maxaa maslaxada umada ugu jira ayaa ay taladeedu tahay markaas,maxaa maanta umadu ku badbaadaysaa,markaa nimankaa Isxilqaamay ee Guurtida ah waa shaqadoodii oo marka ay wax yimaadaan waanu ku amaanaynaa oo waxaanu leenahay Jasaakalaahuma Khayra laakiin waxaanu leenahay waar ka cadaalada fala arintaa aad gasheen cidna ha u eexanina magaca uu doono ha sito,darajada uu doomo hala haado waxa weeye qofkii khaldan waa in la yidhaahdaa waad khaldan tahay si umada loo badbaadiyo”Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS