|
|||||
WAJAALE NEWS
Raysal Wasaare Cabdi Wali Oo Maanta Kulan La Qaatay Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya.
June 12, 2014 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaalenews):-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Hailemariam Dessalegn. Waxay labada Ra’iisul Wasaare ka wada hadleen dadaallada Soomaaliya ugu jirto xasilinta dalka, iskaashiga labada dal, qalabeeynta ciidamada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa dagaalka ay labada dal kula jiraan kooxaha nabad-diidka ah. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa Mudane Hailemariam Dessalegn uga mahad celiyay taageerada uu dalka Itoobiya mar walba la garab taagan yahay dalka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ammaanay kaalinta xooggan ee ay ciidamada Itoobiya kaga jiraan AMISOM. Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed wuxuu dhiggiisa Itoobiya kala hadlay sidii uu dalka Itoobiya u kordhin lahaa taageerada uu ka siiyo Soomaaliya dhanka ciidamada. Wuxuu Mudane Hailemariam Dessalegn ballan qaaday inuu dalkiisu gacan ka geysan doono sidii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya loo tayeeyn lahaa oo uu hub iyo rasaas u iibsan lahaa. Wuxuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheikh Axmed: Dhiniciisa, Mudane Hailemariam Dessalegn wuxuu yiri: Waxay labada ra’iisul wasaare sheegeen inay ka go’an tahay inay sii wadaan dadaalka wadajirka ah ee ay ugu jiraan inay Soomaaliya iyo Itoobiyaba ka dabar gooyaan kooxaha nabad-diidka ah kuna dadaalaan sidii xasilloonida gobolka oo dhan loo xaqiijin lahaa. Wajaale News COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|