Rag Caddalad waayey Sidii Cawsha Kalayaac: Qalinkii qoraa muxiyadiin jaamac | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rag Caddalad waayey Sidii Cawsha Kalayaac: Qalinkii qoraa muxiyadiin jaamac
June 8, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) ;Siddii Caadada inoo ahayd, bisinka iyo Saliga Rasuulka ayeynu ku bilaabaynaa,Maxaa Yeelay Waxaynu Nahay Umad Muslimiina waxana Caado inoo ah inaynu shaykasta oo aynu Qabanayno Ama Bilaabayno inaynu Bundhig uga dhigno Bisinka Ilaahay iyo saliga Rasuulkeeni Suubana (N.NK.H)

Waxa dhawanahan  Dalkeena Kajiray  khilaaf Siyaasadeed oo Kusalaysan Hanka siyaasadeed ee mustaqbalka Murashaxa Madaxweynimo  ee Jamhuuriyada Somaliland, kaas oo kadhex qaraxay Xisbul Xaakimka Kulmiye ee talada Dalka Haya  Khilaafkaasi oo  u dhexeeya Garabyo xisbiga dhexdiisa ah labadaas garab oo ay kala hogaaminayeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi.

Hadaba Sida laga wada warqabo khilaaf kaasi waxa uu salka ku hayaa Markii Gudoomiyaha Xisbga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu shaaciyey Hankiisa Murashaxa ee Madaxweynaha Shanta sano ee Fooda inagusoo haya, Musharaxnimo  Lashaaciyaa maxa ku jaban? miyaan heeshiisku sidaas ahayn?, inlawada tartamo miyaanay katurjumayn Hanaanka Dimuquraadiyadeed Xisbiga Dhexdiisa Kajira waala tartamayaaa sharaf mooye sharba miyey leedahay Cajiib ama kaag iyo afkala qaad.Khilaafkii markii uu xoogaystay ee uu circa isku shareeray dhagaha shacbi waynaha Somalilandna uu ku badatay ama arintani yaab ku riday waxa sobobay khilaafka intan leeg ee kadhex dilaacay Xisbul Xaakimkii Umadu Dooratay ee awooda Siyaasadeed iyo ta garashaba labidayey ee dadwaynu ay ku han waynaayeen ee hadh iyo habeenka Cadeeda iyoDhaxanta  aynu utaagnayn Sidii ay mar uun talada Dalka udaadihin lahaayeen oo ay waxa uga badali lahayen. Hadaba waxaba yaanu hadalku ilasoo taraarine intaasi afeef hore iyo faah faahin dheerada haigaga ahaato. Khilaafkii markuu xisbigii ukala qaybiyey laba dhinac oo midba midka kale ku eedaynayo inay qaldan yihiin waliba dhinacwalbaana xagiisa shir uu uqabsaday kaas oo aydoonayaan inay ku magacaaban, Golayaasha kaladuwan ee uu xisbigu kakooban yahay sida: Golaha dhexe iyo golaha fulinta ayaa waxa arintii soo dhex gashay Guurtida oo aan dabadeed khilaaf xalin lahadal ahna Mid kamida hayada Qaranka kuwa ugu sareeya ee xaliya Colaadaha, Khilaafyada siyaasadeed ee inasoo wajaha. Masiday wax ahaan jireen Mise siday wax udhaceen waa laba arimood oo aad ukala fog, maxayeelay Qofkasta oo  Bulsho weynta Somaliland kamida oo dhagihiisa arinta khilaaf daminta guurtida ayaa galaysa waxa uu meesha soo dhigtaa in dhex dhexaadin cadaaladi kudheehan tahay in arinka lagu dhamayno doono balse marnaba meesha lamasoo dhigan waxa laqaadi Gar eexo .Xikmada Somaliyeed ayaa waxay ahayd Ilaahayow Gareex Hanaga tagin Aqoon la,aana hanagu cadaabinWaa duco wanaagsan ilaahay hainaga dhigo kuwa waxkuqaatee.

Hadaba waxa iswaydiin mudan Odayaashii Guurtidu ee  tidhi waxanu dhex iskugu xil qaanay dhexdhexaadinta daminta khilaafka xisbiga oo sida lagawada warqabo ay dabada kariixayaan siyaasiyiin  siyaasada ku cusub oo  wasiiiro raad barad ah balse xilkii loo igmaday uga faa,iidaysanaya si qaldan oo aan meesha looga fadhiyin inay sameeyaan. Hadaba guurtidi arinka markii gacanta loogaliyey waxay haysteen mudo maalmo ah oo la islahaa waxay soo saari xal midho dhal ah oo wax utara labada dhinac ee is haya oo aan midna midka kale uloogayn ama xaqii ay lahaayeen duudsin balse waxa meesha kadhacday wax dhagaha dadku qaadan waayen oo ah in Guurtidii Wadanka Garaadka U ahayd inay qaadan Gar eexa oo aan geedna looguso gaban,

LASOCO QAYBTA DANBE

Qalinkii Qoraa Muxiyadiin Jamac

Hargiesa Somaliland

Tell: 0634149234

Email: xiyo_66@hotmail.com

COMMENTS
LINKS