|
|||||
WAJAALE NEWS
Qoysnimo Iyo Qolonimo Midna Qaran Kuma Dhismo In Uu Ku Dumo Mooyaane; MUJ CALI GUREY
June 7, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews) ;Waxa la yidhi Dr Maxamed Cabdillahi si yaab leh oo ficil ku jiro ayaa loogu soo dhaweeyay London. Hor ilaahay wuu u qalmaa waayo wuxu diiday inu u hogaansamo wasiirada ka wasiirsan wasiirada kale ee uu adeerka u yahay Madaxwaynuhu ee kibray ee faaqay. Jecliyee anigu quudhsi diidka. Kan caloosha ka buka ee loo eryay waa Wasiirka Duulista ku lahaa WAA LA KALA ADKAA AYAAYE DHINAC RAAC. Hadda waa ninka meesha la yidhaa Hamarayse ee galbeedka ka xigta magaalada Herer isagoo SNM ah ka soo baxsaday ee siduu u ordayay Bali Dhiig ciidankii Siyaad Barre isu dhiibay ee qoigii SNM na inyuu farta ka saaray dib loogu dilay SNM. Laga yaabaa qorigii lagu dilay Shahiidkii Waynaa ee MUjaahid Hurre in kii Maxamoud Xaashi faqashta u dhiibay ba ahaa ilayn Sibidhlay iyo Bali Dhiig isku col bay ahaayeene.
Ma oga in sedexdii nin ee ku waraystay NSS Burco ay laba weli nool yihiin midna dhintay. Wixii uu ka sheegay Axmed Silanyo haa maanta uu wasiirka u yahay ninka og inaan ahay tolow ma og yahay. Radio Muqdisho hadalkiisii laga sii daayay in aan soo helo na waa laga yaabaa. Markaasuu gaabsan maayo eh weliba dad afka la soo geleyaa ee gebigiisu ba BOOLI QARAN ah. Silanyo ayaa ragga ragga u dilaye miyaa lagu wada hadli lahaa. Maxay se ugu taalaa SilanyO wakaa maanta Dahir Rayaale ka hoos maray. Casharka keliya ee xiliga Axmed Silanyo laga baranayaa waa in QOYSNIMO IYO QOLONIMO AAN QARAN KU DHISMIN IN UU KU DUMO MOOYAANE COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|