Qoyskeygu waa Danyar ;Qalinkii Nimco Baashe Cabdi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qoyskeygu waa Danyar ;Qalinkii Nimco Baashe Cabdi
June 22, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) ;Wax walba  way dhacaan wax ceeba iyo wax aan ahayna wey jiraan  saboolnimo iyo duruftuu haday ku hadheysay maruun yaad ka bixin hadaad u samirto oo aad ku dadaasho sidii aad uga gudbi lahayd  xaaladaha cakiran ee kaa hortimaada.

Wakhtigaa aad arkeysaa sida dhararkaaga iyo cimrigagu u soconaayo ayay u soconayaan sanadada bilaha  iyo ayaamuhu toban toban iyo wax ka yar ayay kugu dhaafayaan,   waayo waa tii hore loogu maah’maahay wakhtigu waa  seef ee inta uuna ku jarin waa inaad jartaa, markaa hadaanad wakhtiga ka faa’ideysan isaga ayaa, kaa faa’ideysanaaya, waxkastaana sidaa ayay kugu dhaafayaan  waxaa jira dad badan oo aan  eegin mihiimada uu leeyehey wakhtigu, oo wax malaa yacniya ku lumiya wakhtigooda qaaligaa,

Susaan waa inan dhalin yaro ah oo ku nool meel ka mida gayiga ay degto soomaalidu,   waxay ka soo jeedaa qoys dan.yar ah oo reer miyi iyo reer magaal is kugu jira,  Aabbaheed iyo Hooyadeed waxay kala tageen iyada oo jirta 1sanno,   nolosheedii hore waxay ku soo qaadatay miyi iyo adhi raac,  iyada ayaa reerka gashaanti u ahayd  carruurta ay la dhalatay susaan waaa tiro dhan 17 ubad ah,  laba wiil ayaa iyada ka weyn inta kale susaan ayaa u weyn,  walow ay iskugu jiraan sadex bahood susaan barigii ay yarayd ee ay ku nooleyd miyiga waxay baran jirtay quraanka,  oo uu bari jiray Aabaheed suurad marka loo dhigo habeenkii waxay soo qeybi jirtay iyada oo la joogta adhigii,  habeenkii marka ay soo xarayso xoolaha ayay ka bixi jirtay,  waxay ahayd qof aad u jecel in  ay barato aqoonta  susaan markesta waxay ku hamiyi jirtay in ay mar uun tagto magaalada,  oo ay soo aragto waxa la yidhaa magaalo waayo waxay maqli jirtay uun hebel ama heblaayo ayaa magaaladii ka timid,  magaalada waxaa ku nool hooyadeed oo uu guursaday nin kale,  halka uu Aabbaheedna leeyahay xaas kale oo ah ta ay susaan la joogto ee miyiga dagan,  aad ayay ugu faraxsaneyd in ay la noolaato walaalaha ay xaga Aabbo ka walaalo.yihiin iyo Aabbaheed,  oo ay aad u jeclayd isaga iyo xaaskisa oo ahayd Aayadeed,  sanado ka dib Susaan markii ay waynaatay waxay damacday in ay soo qabato dhankaa iyo magaaladii ay ku nooleyd Hooyadeed,maalin maalmaha ka mida, susaan oo la joogta Adhigii ayaa waxaa la soo baxsaday; mid ka mida  labadii walaal ee ka waawaynaa, waxayna ka codsatay in uu geeyo magaaladii ay ku sugneyd Hooyadeed, maalmo ka dib way soo gaadhay Hooyadeed , waxayna magaalada soo gashay iyada oo da’deedu tahay8jir, aragtida hooyadeed waxay u ahayd farxad aad u  wayn waayo waxaa ugu dambaysay iyada oo wax yar jirta,Hooyadeedna way ku faraxday sida kadis’kaa ee ay ugu timid inanteeda susaan,intaa ka dib  waxay l qabsatay magaaladii waxayna noqotay reer magaal, balse waxaa ka maqnaa oo ay had iyo jeer tabijirtay,halkii ay ku soo barbaartay, Aabbaheed iyo carruurtii ay walaal’laha ahaayeen, susaan maalinba maalinta ka dambaysa waxay sii nacaysay oo ay dhibsaneysay joogitaanka magaalada waxaana dhamaaday xiisihii ay u haysay magaalada, waxay sidaa ahaataba susaan waxay isku dheceen hoyadeed, sida derteedna waxay ka tagtay gurigii hooyadeed iyada oo u wareegtay, guriga Ayaydeed Aabbo oo ku nooleyd isla magaalada,susaan waa tii ahayd qof aad u jecel waxbarashada, waxay go’aansatay in ay gaadho himilada ay leedahay ee ku aadan in ay wax  barato oo ay u shaqeyso waalidiinteeda, Ayaydeed ma awoodo wax ay kaga bixiso iskuulaadka ay dhiganeyso, balse waxay ku dartay malcaamad quraan ah, baryo ka dib susaan way sii waynaatay waxayna damacday in ay shaqeysato,taasina way u hirgashay waxayna noqotay , qof galinna shaqeysta galinna wax barta iyada oo wax ka barata  bareefadada gaarka loo leeyahay,hada susaan da’deedu waa 18, wax badan oo ay ku hamiyaysay way u hirgaleen halka ay qaar kalena wali ay u yihiin qabyo, nolosheeda mustaqbalka waxay jeceshay in ay noqoto,digtooreyso Caafimaad iyada oo sheegtay in ay u shaqeyn doonto dadka xanuun’sanaaya gaar ahaan dadka danyarta ah, Susaan sifiican umay baran balse waxay rabtaa in ay barato marka uu wakhtigu u saamaxo,  waxayna Aaminsantahay halka ay rabto in ay gaadheyso hadii illahay u qoro, Susaan marka ay dhiganeyso iskuulka ay ka barato wax yaabaha yar yar  ee  ay ka dhigato,  waxay aragtaa dad badan oo dhigta wax yaabo badan balse iyadu ma awoodo wax badan in ay barato waayo uma hayso kharashkii ay ku bixin la’hayd, Asxaabteeda ayaa waydiisa wax ay u baran wayday iskuul waxayna ugu jawaabtaa, “walaalo qoyskeygu waa danyar mana awoodo in aan barto iskuul iyo wax barasho kale ee waxan baran doonaa marka aan helo lacag aan ku bixiyo wax aan baranaayo,   taasina waxay ku tusaysaa in ay sugeyso in ay hesho, wakhtiga ugu haboon ee ay wax baran karto  waa qof dadaal badan in badan ayay soo dadaashay inta ka dhimanna alle ha u dhameystiro,

COMMENTS
LINKS