Qarax hal Qof ku dhaawacmay oo ka dhacay Agagaarka Madaxtooyada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax hal Qof ku dhaawacmay oo ka dhacay Agagaarka Madaxtooyada Somaliland
June 1, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Hal Qof ayaa ku dhawacmay Qarax ka dhacay inta u dhexeysay Maktabada Masaarid iyo Wasaarada Cadaalada ee Somaliland, qarax ayaa u muuqday mid wadda la dhigay, waxaana ku dhaawacmay Ninshiciba oo xilgaa meesha marayay  baabuur watay. illaa haatan lama oga cidii ka danbeysay qaraxan,

Maalmihii ugu danbeyey magaalada hargeysa waxa ka dhacayey qaraxyo lagu sifeeyey inay yihiin banbo shaani. waxaana ilaa hada tuhun ku xidhxidhan dad fara badan

 Meesha qaraxu ka dhacay ayaa waxa aan badnay u jirin Xarunta Madaxtooyada Somaliland waxayna noqonaysaa tii labaad ee lagu qarxiyo agagaarka madaxtooyada

Arimaha noocan oo kale ayaa xiligii xukuumadii daahir riyaake dalka haysatay waxa lugu eedayn jiray inaysameeyaan xusbiga hada talada dalka gacanta ku haya ee kulmiye waxayna noqonaysaa arin ugub ku ah somaliland in kuwii amaanka inayn ilaaliyaan laga sugayay hadana iyaga looga baqo amaanka dalka ayna horseedayaan awaaqib xumo

COMMENTS
LINKS