Qaramada Midoobay oo sheegtay inay Kenya ka caawinayso la dagaalanka Argagaxisada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay oo sheegtay inay Kenya ka caawinayso la dagaalanka Argagaxisada
June 29, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS ;Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay ka caawiyaan Kenya iyo dalalka kale ee Afrika dagaalka lagula jiro argagaxisada oo weerarro taxane ah oo khasaare badan geystay ku qaaday Kenya.

Ban Ki-Moon ayaa hadalkan sheegay kaddib kulan uu xarunta madaxtooyada Kenya kula qaatay madaxweynaha dalkaas, Uhuru Kenyatta, iyagoo kawada hadlay sidii ay Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya uga wada shaqeyn karaan ka hortagga weerrrada ka imaanaya argagaxisada.

“Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay dowladda Kenya ka caawiso kobcinta awooda, taasoo qayb ka ah qoshe lagu doonayo in argagaxisada looga hortago,” ayuu yiri Ki-Moon, inkastoo uusan sheegin qaabka ay u caawinayaan.

Sidoo kale, xoghayuhu wuxuu sheegay inay isaga iyo Kenyatta kulankooda kaga wada-hadleen arrimaha siyaasadda iyo ammaanka, gaar ahaan sidii looga wada-hortegi lahaa argagaxisada oo khatar ku ah gobolka oo dhan.

Dalka Kenya ayaa tan iyo markii ay ciidamadeeda u dirtay Somalia dhammaadkii sannadkii 2011-kii waxaa ka dhacayay weerarro taxane ah oo ay geysanayeen xoogag taageersan Al-shabaab, kuwaasoo ay ku dhinteen dad fara badan.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii suuqa Westgate Mall kaasoo ay ku dhinteen 67-qof, sidoo kale Al-shabaab waxay sheegatay laba weerar oo is-xigay oo toddobaad ka hor ka dhacay deegaanka Mpeketoni oo ka tirsan jasiirada Lamu, weerarradaasoo ay ku dhinteen 63-qof.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa weerarradii ka dhacay Mpeketoni ku eedeeyay inay ka dambeeyeen

shabakado siyaasadeed oo ku sugan Kenya, inkastoo uusan carabka ku dhufan cid gaar ah, isagoo iska diiday in weerarkaas uu ahaa mid ay Al-shabaab ka dambeysay.

Ban Ki-Moon iyo Kenyatta ayaa kulankooda kusoo qaaday xaladaha dalalka Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo muranka u dhexeeya dalalka Rwanda iyo Congo kaasoo ku saabsan harooyinka waaweyn.

 

COMMENTS
LINKS