QABYAALADII OO XADHKAHA GOOSATAY IYO QADIYADDII SOMALILAND OO AY SAAMAAYSAY! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
QABYAALADII OO XADHKAHA GOOSATAY IYO QADIYADDII SOMALILAND OO AY SAAMAAYSAY!
June 25, 2014 - Written by Editor:

Waxaan kugu wareejiyey Dal iyo Dad mid ah” waa hadal kooban oo taariikhda galay kuna nabadgalyey Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Madaxwaynihii Hore JSL,

dadkii reer Somaliland iyo Hargeisaba ee mudada la daba taagnaa qayladii qabiilka ku dhisanayd, wuxuu ahaa hadal aad xasuusta dadka Somaliland ugu soo noqnoqda mar kasta oo arimaha iminka socda loo fiirsado ama caqli fayow lagu eego xaaladda dhabta ah ee hadda dalku ku jiro dhinac kasta oo laga eegoba, dhinac Siyaasadeed, Bulsho, dhaqan-dhaqaale iyo amniyeedba.

Waxaa dalka ka socda ku dhaqan qabyaaladeed iyo isticmaalkeedii tabnaa oo si qaawan loogu dabaqayo hayadaha dawladda ee dadku wada leeyahay, waxaa dhacaya in doorashada, Magacaabidda, shaqaalaysiinta, dalacsiinta iyo darajo-rifiddaba lagu salaynayo qabyaalad, waxaa dhacaysa in inta xilalka dawladda ku jirtaa uun shaqaale iyo shaahba iyagu isku koobaan oo qofkii xayndaabkaa ka baxsanaa bakhtigu u xalaal yahay ama nolol cidhiidhi ah ku nool yahay.

Kadib safarkii Maaayor-ku-xigeenka Caasimada Hargeisa Mr Cabdicasiis Maxamed Xaashi, ku tagay cariga Ingiriiska ayaa waxaa soo shaac baxay in golayaasha deegaanka ee uk ay aqoonsi ay Somaliland siiyaan la diyaar yihiin kadib markii qurba-joogta UK si hagar la’aan ah hawshaa u galeen runtiina bilawgeeda uu lahaa Mayor-ku-xigeenku ayaa si degdeg ah Golaha deegaanka Sheffield ay cod aqlabiyad ah ku ogolaadeed madaxbanaanida Somaliland, wallow aanu sidaa u sii buurnayn gole deegaan oo dawlad aqoonsadaa, hadana candhona waa xubine waxaa jiri kara isu soo dhawaan labada dawladood ah haba ugu yaraato in golaha aqoonsigu ka yimi (Sheffield) iyo golayaasha deegaanka Somaliland wada shaqayn dhow yeeshaan, waa inta ugu yar ee ay soo kordhin karto arintani gole dawlad aqoonsaday, oo dadka siyaasadda odorosaa ay u arkaan hadal wadkii galay, yeelkeedee inagu waxaynu arintaasi ku tilmaanay una aqoonsanay inay noqotay guul taariikhi ah, laakiin su’aasha iswaydiinta mudan ee meesha taal waxaa weeye: muxuu dhaxalkeedii noqday?! Natiijo noocee ah ayay hayaan dadkii hawshaa aabaha iyo hooyada u ahaa ee hadh iyo habeen ka shaqaynayey?! Se maxaynu filaynay?!

Ugu horayn Ictiraaf helistii Sheffield lama mahadin, guushii aynu filaynayna waxay isku rogtay guul-darro, dhib kala fogeeyey qurbo-joogtii iyo qabyaalad lagu kala geeyey ayaa dhaxalkeedii noqday, natiijada ay hayaan dadkii hawshaasi ka shaqayeyna waa mid fool-xun ilaa ay gaadheen inay caddaankii ka soo dhawaystaan dadkii isku diirka, dalka, diintaba, waxaana u sabab ah qabyaalad xun oo lagu dhex tuuray, waxayu se filaynay inay intii hore isaga soo dhawaadaan oo ilaa heer xukumadeed ay socdaan iyagoo mid ah oo ay ictiraaf rasmi ah ay ka soo hooyaan xukuumadda UK. Waxba yaan hadal kugu daaline arintii waxay maraysaa in kala qaybsanaantoodii ay sababto in uu xilkii waayo Mohammed Maroof xildhibaankii Mooshinka keenay golaha Sheffield in Somaliland la aqoonsado, waxaa weheliya in Madaxtooyada Hargiesa qaarkood lagu casuumay oo tigidho London loogu diray laguna baahiyey inay hawsha ictiraafka iyagu kaligood keeneen, iyadoo la iska ilaabay ama waxba kama jiraan laga soo qaaday dadaalkii qurbo-joogtii kale iyo dadkii caddaanka ahaa ee hawsha kula jiray ama horseedkaba ka ahaa. Waxaa meesha ku jiraa ee kooxna lagu soo dhawaynayo ee Casuumadaha loogu samaynayo kooxna loo fogaynayaa waa qabyaalad oo garanaye, bal maxaa lagu fogeeyey nimankii caddaanka ahaa ee hawshan horseedka ka ahaa?!

Somaliland 23 sanno ayey jirtay dhibkan qabyaaladuna wuxuu soo shaacbaxay oo xadhkaha goostay dhawrkii sanno ee u danbeeyey, wali inta xukuumadani xilka la wareegtay, hadaba dhibku ma xukuumaddan qurba-jooga u badan ee Madaxwayne H.E Siilaanyo soo dhisaybaa?! Bal adba.

Kaasi waa hal qodob oo ah dhibka qabyaaladdu ay inoo gaysatay oo aynu waliba si toos ah u soo taabanay, hadaan mid kale ku daro, waxaan soo qaadan karaa shaqaaqada badanaa ka dhex dilaacda xisbiyada qaranka, gaar ahaan tii u danbaysay ee xisbi xaakinka ku timi waxaa sal u ahaa ama laysku haystay in nidaamkii xisbiga qaab qabali ah loo badalay oo xeerkii dalka (Dastuurkii) iyo xeerkii xisbigaba laga talaabsaday, waxyaabaha lagu doodayeyna ay ahayd HADDAANU REER HEBEL NAHAY ANAGAA SIILAANYO SOO SAARNAY WAANA DOORKAYAGII iyo wax la mid ah oo ka sii liita, banaankana soo dhigay siro iyo heshiisyo qarsoonaa oo hore u dhex maray reero gaar ah, iyagoo hilmaamay in xisbigu yahay HANTI QARAN oo ummadda Somaliland oo dhammi wada leedahay cid kasta oo xeerarka buuxisaana jagada ugu hoosaysa ilaa ta saraysa qaban karto. Waxaa xasuus mudan in heshiiskaasi baadilka ahaa uu wali riiqdiisii ku sii dhex jirto xisbiga dhexdiisii oo shalay oo u danbaysay 24/6/2014 oo ku beegnayd xiligii shirka golaha dhexe ee KULMIYE in khilaaf hor lihi soo laba kacleeyey, waana aafadda qabyaaladda.

Waqtigii dawladdii Daahir Rayaale qabyaaladu sidan may ahayn, dardaarankiisiina ee maalintii 27/07/2010 uu xilka ku wareejinayey H.E Siilaanyo waynaga qormadan ku bilawnay, muddo kadibba kuwii kulmiye ku hadaaqayey waa tii banaanka loo soo tuuray, rajooyinkoodiina ay isu badaleen rajo la’aan, ciil, murugo iyo tacab khasaar, waxaana loogu heesay kalmado aan aad ula dhacay ina soo jiitay, oo ay ka mid ahaayeen:

 

WAADIGII KARDHANAAYEE

 

KULMIYOWDA LAHAAYE

 

MA KU GAADHAY KULAYLKII…

Isku soo wada duuboo waxaa jira xaqiiqo dhab ah oo la ogaaday inay qabyaaladdu gaadhay heerkii ugu xumaa ee abid gaadho, Alle ayaynu waydiisanaynaa inuu sida xaqa ah ina waafajiyo, dhibka bahashani keentayna inaga saaro beerkeenana burcad isu mariyo…

 

A. CAABI

0634427115

Hargiesa, Somaliland

COMMENTS
LINKS