Nin ku Indho Beelay Farriin Telefoon oo uu Meel Mugdi ah ku Diri Jiray Muddo Badan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin ku Indho Beelay Farriin Telefoon oo uu Meel Mugdi ah ku Diri Jiray Muddo Badan.
June 5, 2014 - Written by Wariye:

Ncell-phone-messagein u dhashay dalka Shiinaha, ayaa ku indho beelay fariin uu telefoonkiisa uga diri jiray gabadh uu jeclaa, isagoo fariimahaasna meel mugdi ah ku qori jiray muddo badan, taasoo sababtay inuu ku waayo araga indhihiisa.

 

Ninkan oo 26 jir ah waxa uu xaaladdan ka qaaday isticmaalka barnaamijyada farriinta la isugu diro ee moobaylka ku jira iyo sidoo kale qaybta farriimaha oo uu mugdi bilaa iftiin ah ku isticmaali jiray saacado badan, iyadoo arrintaasina digniin u tahay dadka meelaha madaw fariimo telefoon ku qora.

 

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in xaalada ninkan la soo daristay keeni karto indho la’aan halis ah, loona baahan yahay in qalliin degdeg ah lagu sameeyo, haddii kale aan dib loo daawayn karin, kaasoo xilligan aan waxba arag.

 

Ninkan ayaa khubarada baadhay sheegtay in xaaladiisa ay sababtay laydhka amma iftiinka telefoonka ka soo baxaya ee sida tooska ah ugu dhacayey indhihiisa, iyagoo tilmaamay in xaalada noocan ah dadka lagu arki jiray markay gaadhaan da’da 50 ilaa 70 jirka, waxaanay ka digeen in telefoonnada casriga ah si aad ah meelaha mugdiga loogu isticmaalo.

 

Mareegta Medical Daily, ayaa daabacday in ninkan u dhashay dalka Shiinaha uu jeclaa gabadh uu maalin iyo habeenba u diri jiray farriimo moobaylkiisa ah, kaasoo waliba meelo mugdi ah la geli jiray.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS