Muwaadiniin Kenyan ah oo labo sano ku Afduubnaa Somalia oo lasii daayay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadiniin Kenyan ah oo labo sano ku Afduubnaa Somalia oo lasii daayay
June 7, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS ;Waxaa dib xorriyadooda u helay saddex qof oo kamid ahaa shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliya ka howgala, kuwaas oo labo sano kahor laga afduubtay meel u dhow degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Saddexda qof oo midkood ay haweeney tahay, laguna kala magacaabo: Janet Kanga, Martin Kioko iyo Abdinoor Boru, waxay u shaqeynayeen Hay’adda IAS (International Aid Services).

War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda ay la-haystayaasha dib xorriyadooda u helay ka tirsanaayeen, ayaa lagu sheegay in siideyntoodu ay ku timid wada-xaajood dheer oo lala galay dabelydii ay muddada labada sano ku dhow u qafaalnaayeen.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in xaaladooda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay, dhowaanna loo qaadi doono dhanka magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, si ay eheladooda dib ugula midoobaan.

Bishii July ee sanadkii 2012, ayaa saddexdan qof laga afduubtay meel 6km dhanka waqooyiga ka xigta degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug, kaddib markii labo gaari oo ay wateen ay soo weerareen saddex gaari oo ay saarnaayeen dabelyd hubeysan oo 14 nin ka koobnaa.

Kooxda afduubka geysatey waxay weerarkii ay shaqaalaha hay’adda IAS ku qabsanayeen ku dhaawaceen saddex qof oo labo ay askarta ilaalada hay’adaha ee SPU ka tirsanaayeen qofka saddexaadna uu ahaa Madaxii Xafiiska Hay’adda IAS ee Puntland Axmed Ciise Xassan.

 

XIGASHO: CNN

COMMENTS
LINKS