Muwaadiniin Iraaniyiin ah oo Xabsi Daa’in ku Mutaystay Isticmaalka Facebook. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadiniin Iraaniyiin ah oo Xabsi Daa’in ku Mutaystay Isticmaalka Facebook.
June 5, 2014 - Written by Wariye:

Maxkamad ku taal dalka Iran, ayaa 8 qof ku xukuntay xukuno ka bilaabmaya 20 sanno, kuwaasoo lagu eedeeyey in ay Facebook u isticmaaleen borobagaanto ka dhan ah xukunka Iran sida lagu daabacay mareeg mucaaridka dalkaas leeyahay.

Xukunkan oo lagu dhawaaqay toddobaadkii hore waxa 8 qof xukunkoodu noqonaya marka la isu wada geeyo 123 sannadood sida uu sheegay Kaleme oo mareegtaas soo xigatay.

Dadkan waxa xukunkooda loo adeegsaday inay aflagaado u geysteen Ayatollah Ali Khamenei iyo xukuumadaba, kuna baahiyeen facebook dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah dawladda Iran, ilaa haddana ma jiro war si rasmi ah uga soo baxay Maxkamadda go’aankan gaadhay.

Dawladda Iran ayaa maaraysta isticmaalka facebook, isla markaana leh hay’ad ka shaqaysa shaandhaynta isticmaalka tiknoolajiga, waxaana wararku sheegayaan in dadka

xukunka lagu riday ay ku jirto gabadh haysata dhalashada Ingiriiska oo asal ahaan Iraaniyad ah.

Haweenaydan oo la yidhaa Roya SeberinejadMNobakht waxa warbaahintu sheegtay in lagu xidhay magaalada Shiraz, kadib markii ay facebookeeda ku qortay faalo ka dhan ah dawladda, kadibna lagu xukumay 20 sannadood oo xabsi ah.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS