Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Ucid Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kana Hadlay Arimo La Xidhiidha Doorashooyinka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Ucid Oo Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kana Hadlay Arimo La Xidhiidha Doorashooyinka
June 9, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA(Wajaalenews) ;musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta dalka ku soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay safar uu ugu maqnaa wadamada debada.

Hargeysa(Wajaalenews):-musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta dalka ku soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay safar uu ugu maqnaa wadamada debada.

Musharaxa madaxweynaha xisbiga Ucid oo maanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa halkaas ku soo dhaweeyey xubno ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Ucid iyo taageerayaal aad u badan.

Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashaqada ee garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ka hadlay arimo la xidhiidha safarkii uu ugu maqnaa wadamada debada, doorashooyinka soo socda iyo khilaafkii soo kala dhex galay xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa.

Ugu horayn musharaxa madaxweynaha ee xisbiga  Ucid Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya safarkii uu ugu maqnaa wadamada debada iyo kulamadii uu galay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan ku maqnaa safar qaatay mudo laba bilood  iyo badh ah waxaanan soo maray dhawr wadan oo kala ah Maraykanka, Canada, Ingiriiska Iyo Australia,  safarkayguna waxa uu la xidhiidhay danta qaranka iyo danaha xisbiga Ucid, intii aan joogay wadamadaasi waxaan la kulmay dhamaan dadka reer Somaliland  ee ku nool wadamadaasi, waxaanan iska xaal waraysanay  halka uu dalku marayo, waxa kale oo aan kulamo la qaatay qaar ka mid ah wasaaradaha arimaha debada  iyo deeq bixiyayaasha qaarkood  waxaanan kala hadlay xaalada Somaliland  sida wadanka Ingiriiska oo aan kala hadlay caawimada ay siiyaan Somaliland waxaanay dawlada Ingiriisku noo muujisay inay taageero u hayaan Somaliland  haday tahay doorashooyinka Somaliland ee dimuqraadiyada ku dhaca iyo haday tahay sidii ay awalba u caawin jireen Somaliland dhinaca arimaha bulshada.” Ayuu yidhi musharax Jamaal Cali Xuseen.

Sidoo kale waxa uu ka war bixiyey kulamo uu la qaatay wasaarada arimaha debada ee dalka Australia  waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan la kulmay wasaarada arimaha debada ee Australia  waxaanan kala hadlaynay arimo la xidhiidha danta qaranka,waxaanan ogaanay in caawimooyin badan oo ilaa $10,000 ah oo loogu tala galay Somaliland iyo somaliya inay bixinayaan, markaas waxaanu  kala hadalnay baahiyaha ka jira Somaliland  iyo Somaliland tahay dal nabad ah oo dimuqraadiyadi ka jirto una baahan tahay in la nabada ka jirta wax lagu  siiyo, baahiyaha aanu ka hadalnay waxa ka mid ah in dalka Australia waaya aragnimada uu u leeyahay dhinaca beeraha,xoolaha iyo biyaha  uu uga faa,iideeyo Somaliland oo uu lacagta loogu tala galay si toos ah u galiyo, waxaanan awooda saarnay dhinaca biyaha oo aanu aad cabasho u gaadhsiinay, waanay nala qaateen, waxa kale oo aan la kulmay hay’ad indhaha ka caawisa caalamka gaar ahaana qaarada Afrika oo ay 20 wadan oo ay ku jirto Ethiopia  ka caawisa kuwaas oo u tababara dad ku takhasusay dhinaca indhaha, waxaanan ognahay inay indho la,aantu tahay xanuun la dawayn karo , waxaanay noogu bala qaadeen inay 8 qof waxbarasho dhinaca indhaha ah siin doonaan taasna iyaga ayaa wadanka iman doona oo xulan doono.”

Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid oo ka hadlaya arimaha la xidhiidha garsoorka iyo cadaalada ayaa waxa uu sheegay inay dadka Somaliland dhibaato ku qabaan cadaalada waxaanu yidhi “Waxa la yidhi cadaalada iyo sharcigu waa  laba shay oo is dulsaaran, umadana waxa haga waa labaas shay waana in xaqa lagu shaqeeyo, dadkeenana dhibaatooyin badan ayaa dhinaca cadaalada ka haysta haday tahay dhinaca maxkamadaha iyo haday tahay dhinaca sharciga oo laga talaabsanayo, dawlad iyo shacaba waa laga talaabsanayaa, dadkuna waxay dawlad ku noqdaan marka ay sharcigooda ilaalinayaan, dawladana waxa laga doonayaa inay sharciga raacaan.”

Musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay  inuu aad uga xun yahay  dhaqanada ciidanka RRU-da, waxaanu soo jeediyey in dib loogu noqdo ciidankaas waxaanu yidhi “Waxaad aad uga xumahay waxyaalahan imika inagu soo kordhay ee ah ciidankan habeenkii u daadanaya guryaha, dad waa weyn oo masuuliyiin ah oo sharaf mudan oo la garanayo  oo uu ugu danbeeyey wasiir ku xigeenkii amniga ee wasaarada arimaha gudaha Cabdilaahi Abokor, cismaan Awr Liqe iyo badhasaab ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed  iyo dad kale oo karaamo  iyo sharaf lahaa ayaa guryahoodii loo daatay,waana wax ku cusub Somaliland, ciidanka RRU-duna waa ciidan loogu tala galay la dagaalanka argagixisada laakiin dadka caadiga ah iyo dadka sharafta ku dhex leh umada maaha inay u daataan, xukuumadana waxaan ugu baaqayaa in dib loogu noqdo arimahaas waayo haday falalkani sii bataan isku dhac ayey keenaysaa taas oo khal khal galinaysa nabad galyadeena cadaalada iyo sharciguna maaha kuwo wanaagsan.”

Musharax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya  khilaafkii soo kala dhex galay xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa ayaa waxa uu sheegay inaan wali la xal laga gaadhin ubucda khilaafka go,aanka guurtiduna yahay mid hoos u dhigaya xumada khilaafka  xisbigaasi  waxaanu yidhi “Waa ilaahay mahadii oo waxaanu mahad naqayaa golaha guurtida waxaanan leeyahay  idinku xilkiinii waad ka soo baxdeen Somaliland-na way ku soo caano maashay nabad galyadaas iyo idinka oo mar kasta ka shaqaynaya, waad ogtihiin oo xisbigii Udub waxa uu ku burburay xaq daro iyada oo madaxdii xisbigu ay madaxa iskaga duubtay, taasina waxay hogo tusaale u tahay Kulmiye oo waxyaalaha la arkayaa ka socdaan, waxay hogo tusaale u tahay Ucid iyo Waddani  oo haday bari waxyaalaha noocan oo kale ahi ka dhacaan sumcad daro iyo ceeb ayey ku tahay dimuqraadiyadeena, guurtidana waxaan leeyahay xisbiga dhexdiisa arinkani waxa uu ahaa kiniinka Asporo  oo la siiyey oo xanuunka biinaya xiligaas, laakiin guntii looguma dhaadhicin oo lama dhiyin khilaafka xisbiga, marka kiniinkaasi ka baxana wixii dhici doona garan mayno marka  waxa wanaagsan in sharciga la raaco, xisbiguna sharci ayuu leeyahay kala danbayna wuu leeyahay mana ah in cid gaari maroorsato waana in dadku isku duubnaadaan oo sharciga la daba fadhiisto, asxaabta kalana waa inay ku cibro qaataan.”

Dhinaca kale musharax Jamaal Cali Xuseen waxa uu soo jeediyey in layska daayo khilaafaadka soo noq noqda ee wadanka hadheeyey labadii sano ee ugu danbeeyey, lagana hawl galo horu marinta wadanka waxaanu yidhi “Labadii sano ee u danbeeyey wadanka waxa ka dhacayey muranada sharciga, mar baarlamaanka iyo dawlada ayaa is qabsanaya, marna xisbiyada iyo mucaaridka ah iyo dawlada ayaa is qabsanaya,marna xisbiga talada hayey dhexdiisa ayaa is qabsanaya, marna qoladii sharciga iyo dawladii ayaa is qabsanaya, waxaanad  moodaa in laga dhamaan waayey is qabsi, dalkeeniina waxa uu inaga sugayaa horu mar iyo wanaag, waxaynu nahay dal bilaa biyo ah,bilaa cunto ah bilaa shaqo ah, dhalinyaradiina jaamacadaha ayaye ka soo baxayaan shaqana ma haystaan.”

Ugu danbayntiina musharaxa madaxweynaha xisbiga Ucid waxa uu sheegay inaanay xisbiyada mucaaridka ahi diyaar u ahayn inay doorashada ku galaan bilaa diwaan gelin waxaanu yidhi “Qofkii ku hamiyaya in la galo doorasho bilaa diwaan gelin ah hawo been ah weeyaan,mana galayno doorasho bilaa diwaan gelin ah, tii hore ayaanu soo aragnay boobkii iyo hagardaamadii iyo dhibkii ka dhacay ayeynu soo aragnay, xisbiyada mucaaridka ahna waxa ka go,an in doorashada diwaan gelin lagu galo, waxaana qorshaysan in la bilaabo bisha Septenber mana aha wax wakhti badan soconaya,  waana wax aan afar bilood ilaa shan bilood ka badnaan Karin

WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
COMMENTS
LINKS