|
|||||
WAJAALE NEWS
MUJAAHID CALI XARAARO OO SOO BANDHIGAY SIRAHA QARSOON EE KU DUUGAN HESHIISYADDI OLOLIHII SILAANYO UU LAGALAY BEESHA M.CASE/SAMAROON IYO CADAAWADA UU U HAYAY BEELAHA MAKAAHIIL/SAMAROON IYO KUWA HARGEISA
June 25, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews) ;MUJAAHID Cali Cismaan Libaax {CALI-XARAARO) oo kamida siyaasiyinta dalka islamrkaana ah dadka aadka ula socda siyaasada siilaanyo iyo shirqoolada uu soo maleegayo ayaa soo faqay siro badan oo ka dhexeeyay siilaanyo iyo saylici Heshiisyadii uu Galay Silaanyo Xiligii Ololaha Doorashadii Madaxtooyada uu Xusbiga Kulmiye ku guulaystay Waxaa Kamid Ahaa, Heshiis ay Galeen Labada Beelod ee Maxamed Case/ Samaroon Iyo Habarjeclo, Heshiiskaasi Waxa uu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa Bishii Sept 2007 Heshiiskan Waxaa labada beelod uga qayb galay Ergo isleeg oo ah dhinacba 13 Xubnood Heshiiskan oo ahaa mid qarsoodi ah madama oo ay jireen heshiisyo kale oo uu Gudoomiyihii Xisbiga ahaana Musharaxa Madaxweyne beelo Iyo Shaqsiyaad Xusbiga miisan ku laha. Heshiiskaas Waxaa ay labada beelod isla qaaten oo Kasoo Baxay Qodobo ay ugu muhiim sanaayen
Markii heshiiskaasi Hirgalay ee la soo gaadhay Guushi Xusbiga Kulmiye Ayaa Hadana Waxaa Kulan isugu yimi gudidii labada reer ee Gashay heshiiska Hore Waxaana ay markale ku kulmeen magaalada hargeysa 12/09/2010 Waxaana ay Isla Garteen oo ay heshiis ku galeen Heshiis labaad oo Ay Qodobadiisa ay ugu muhiimsanaayen
In Hadii ay timaado Xaalad Suurto Galisa In M/weynaha ama kuxigeenku Ka Baxo Booskiisa Lagu uu Ka Soo Hadhaa Ku Soo Badalo Masuul reerkiisa, Tusaale ahaan :- ü . Hadii Saylici Ay Ku Timaado Geeriyi ama wax uu ku waayo xilka in Silaanyo M/Xigeenka uu Kasoo Xulanaayo Golaha Wakiilada uu ahaado Qof kasoo Jeeda Beesha M.Case. ü Silaanyo Hadii ay sidan oo kale ku timaadona uu Saylici Ku Xigeen ka dhigto Qof beesha H.Jeclo ah, Waliba Waxaa Lagu Cadeeyay In Qofkaasi Laga dhigo Xildhibaan Cali Mareexaan Hadii uu Markaa Xildhibaan Yahay. Taasi oo Aad uu uga Cadhooday ninka la yidhaahdo Ina Sanweyne oo ay silaanyo ilma abti yihiin oo ilaa imika dudmadii iyo cadhadii qodobkaa ay ku kala maqan yihiin Silanyo. Markii Heshiiska hore dhacay Ayaan anigu Waxaan ahaa kulmie Waana arimihii aan kaga tagay xisbiga waatii rag badan saamaysay ee Burco lagu kala guuray ee C/Raxmaan Tolwaa iyo Rag Badan la tagtay. Heshiiska Danbena Waakii Galaafatay Xusbigayagii udub iyo ururadii Awooda siyaasadeed lahaa ee Xaqsoor ka midka ahaa Waana Ka Ilaa maanta ay rag badan oo Kulmiye ah Kolba la boodaaya ee loogu gali layahay Odayga Waana uu shaqaynayaa illaa imika heshiiskaasi oo Axmed-Silaanyo Doorasho Iyo Doorasho la’aanba Cidi Meesha ka dhaqaajin mayso oo Calanka In Lagu Aaso Ayaa Lagu Heshiiyay, Saylici Hadii laga riixdo iyo hadii uu iskii uga tagona Waxaa Balanku Yahay In Cid Beeshiisa ah lagu soo Badalo Silaanyona Madaxweyne Xaqa Ku Sugo oo Maamuuska Calanka Lagu aaso.
Related posts:Nuxurka War-murtiyeed Ka Soo baxay Kulankii Ururrada bulshada Rayidka ah ee Hawlaha Gargaarka Bani-a... Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadlay Wada Hadalada U Furmay Xukuumadda Somaliland Iy... Dawladda Soomaaliya oo La Sheegay Inay Golaha Ammaanka U Gudbisay Cabasho Ka Dhan Ah Socdaalkii Uu M... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|