Mujaahid Cali Guray Oo Dhaliilay Xeerka Diiwaangalinta Muwaadinka Ee Dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Dhaqan Galiyey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mujaahid Cali Guray Oo Dhaliilay Xeerka Diiwaangalinta Muwaadinka Ee Dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Dhaqan Galiyey
June 10, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Guddoomiyaha sadexaad ee xisbiga UCID Md:Cali Gurey ayaa waxa uu dhaliilay xeerka diwaangelinta muwaadinka ee uu madaxweynuhu shalay hirgeliyay.

Guddoomiyuhu waxa uu xeerka iyo xukuumada ku sifeeyay in aaney ka muuqan daacadnimadii hawshaasi u baahneyd, qoralka guddoomiyahana sidan ayuu ahaa”Diiwaangelinta Muwaadiniintu sida ay xukuumaddu wax u waddo lagama yaabo in wax natiijo ah oo wax ku ool ihi ay ka soo baxdo. Waxad moodaa in marka hore ba aan daacad laga ahayn ee ujeedooyin kale oo qarsoon laga leeyahay. Ujeedooyinka iyo qorsheyaasha hawshan marna si fiican oo qeexan oo la fahmi karo laguna kalsoonaan karo looma sharxin hadana wax wal oo kale ba waxad moodaa in mudnaanta laga siinayo marka lagu daro doorash…ooyinka ka dambe mudaysan ee Madaxtoyada iyo Wakiilad iyo dhamays tirka arimaha ka qabyada ah sida Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha, iyo shuruuucda dhiman. Iyo xataa farsamo ahaan labada doorasho sida mar loo wada qaban karo.Waxa kale oo iyana la sheegayaa in waxoogaaydii Kabka Dawladha Hoose la odhan jiray la joojiyay oo lagu wareejiyay Guida Diiwaangelinta Muwaadiniinta kuwa loogu yeedho si loogu khasiro hawshan aan si fiican loogu qeexin shacbiga ee wada gudida iyo magacaabisaha iyo wareegtooyinka keliya uun ilaa hadda ah. mashruucan kaalmo dibadeed looma helin inta aan ogahay hadii ay mid maaliyadeed tahay iyo hadii ay mid farsamo tahayba.

Marka aynu arimahan eegno waayo aragna u nahay hab haqanka iyo malo awaalada mararka qaarkood waalida ah ee siyaasiyiinta caydinka iyo cago baruurada ah ee madaxtooyada ka tirsan iyo inta ka ag dhaw waxay xoojinaysaa marka hore shakiga dad badan ku jira oo ah in aanu madaxwayne Silanyo daacad ka ahayn in dalka ay doorashooyin ka qabsoomaan xiligii loogu talogalay. Taas oo oo waa marka labaad eh hadii ay jirto uu madaxwaynaha laftiisu isku beeninayo wacadkii uu galayna kaga baxayo ilayn waa kii hore u cadeeyay in marka ay muddo xileedkiisu dhamaado aan maalin loogu dardoonina. Ilaahow haa iyo maya meel ha nagaga wada yeedhsiin”.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS