|
|||||
WAJAALE NEWS
Mishiinka lagu daabaco hubka caaga (3D Printer) oo isticmaalkiisa la mamnuucay
June 1, 2014 - Written by Editor:Wajaalenews;Ciidamada Ilaaladda Nabdgelyadda ee dalka Maraykanka, ayaa walaac weyn ka muujiyey isticmaalka aaladaha sida heerka sarre ah loo casriyeeyey ee uu ka midka yahay mishiinka lagu daabaco hubka nooca caaga ah (3D Printer), taasoo ka dambaysay welwel xooggan oo ay ka qabaan in aalladan oo hore tijaabo looga qaaday ay u samaysan tahay sida qoriga oo kale. Dalka Maraykanka, ayaa ku guulaystay inay sameeyaan hub ama qoriga dagaalka oo ka samaysan caag, isla markaana qiimihiisu uu aad u jaban yahay, kadib markii tijaabo laga qaaday ay aaladan awood u leedahay inay qarxin karto baaruuda ay ka samaysan tahay rasaastu. Dhinaca kale, khuburo ka socota dhinaca dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in samaynta aaladdan oo aan u baahnayn in xoggo casriyeysan oo dheeraad ah lagu daro ay la mid tahay hubkii hore u jiray ee birta ka samaysnaa, isla markaana waxay khuburadan sheegeen in qofkasta oo isku daya inuu adeegsado aaladda noocan ay dhaawac ama dhimashaba ku keeni karto haddii uu qof kale ku rido. Sidoo kale, waxa la isu raacay in isticmaalka aaladda ka samaysan caagga ee sida qoriga oo kale ah ay noqon doonto sharci darro la mid ah sida qoriga ka samaysan birta. Hubka 3 D Printer oo sameeyey hab casriyeysan, ayaa ah mishiin daabici kara shay kasta oo loo baahdo, taasoo uu u sawirayo isla waxyaabaha ay walaxdu ka samaysan tahay, waxaanay arrintan keentay walaac weyn oo laga qabo qiime jabka ay u horseedi karto hubka, taasoo keeni karta in si hawl yar loo iibsado, isla markaana ay cirka isku sareeraan rabshaddaha iyo qaska la xidhiidha heerka dilka, iyadoo dalka Maraykankana uu aad ugu badan yahay hubka iyo sharciyeynta iibka hubka.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|