Mid ka mid ah Wadaadda ugu Caansan Dalka Kenya oo lagu Dilay Mombasa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mid ka mid ah Wadaadda ugu Caansan Dalka Kenya oo lagu Dilay Mombasa
June 10, 2014 - Written by Editor:

Mambasa(Wajaalenews) ;Madaxii golaha imaamyada dalka Kenya Sh. Maxamed Idiris ayaa lagu dilay goob lagu magacaabo Likoni oo ka tirsan Mombasa, iyadoo ruuxa falkan fuliyay uu ahaa qof aan la aqoonssan sida ay ku warameen dad goob-joogayaal ah.

“Idiris waxa uu  ku  socday salaad subuxa waxaana lagu toogtay meel aan wax badan ka fogayn gurigiisa, dablay hubaysan ayaana dilka fulisay,“ ayuu yiri Nelson Marwa oo  xil sare ka haya degmadaas ,isaga oo xusay in ay socdaan baaaritaanno lagu raad-joogo dadkii gaystay dambigan.

Walaalka la dhashay Sheekha la dilay oo lagu magacaabo Cali Idiris ayaa sheegay inuusan cidna ku eedaynayn falkan ,balse uu aaminsanyahay baaritaanada ay wadaan laamaha amniga ,isagoo tilmaamay in ilaah uu ka abaal-marin doono qolyihii dilay walaalkiis.

“Dulqaad iyo daganaan ayaan ku baaqaynaa ,waana in aan ka war-sugnaa howsha dowladdu ay ku jirto ,ma qaadi karno wax aargoosi ah hadda,“ ayuu yiri Cali oo la hadlayay warbaahinnta ,waxaana si wada jir ah u canbaareeyay dilkan culumaa’udiinka Kenya oo dhan .

Sheekh Idiris ayaa ka tagay afar xaas  iyo  25-caruur ah, wuxuu ka mid ahaa culumo  horey u qaadacday arimaha xag-jirnimada in dhalinyarada Kenya lagu baro goobaha lagu cibaadaysto gaar ahaan masaajidyada.

Ugu danbayntii laamaha amniga Kenya ayaa dhowr jeer oo hore xiray Sheekha geeriyooday sida ay daabacday warbaahinta gudaha, iyadoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in dilkiisa laga soo abaabulay meel ka baxsan dalka Kenya

COMMENTS
LINKS