Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Waaran Qabasho Ah U Soo Jartay Guddoomiyaha Iyo Tafatiraha Wargeyska Haatuf | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Waaran Qabasho Ah U Soo Jartay Guddoomiyaha Iyo Tafatiraha Wargeyska Haatuf
June 3, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa, (Wajaalenews) – Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa waaran qabasho ah u soo jarta maanta duhurkii Guddoomiyaha iyo Tafatiraha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige, kuwaas oo ay amartay in degdeg xabsiga loogu dhaadhiciyo.

Waarankan qabashada ah ee ka soo baxay Maxkamadda gobolka ee Guddoomiyaha ka yahay Faysal-dhago-dhago ayaa waxa dabada ka riixayey sida la sheegay cidka socota xaga xukuumada  kaas oo aan si dhab ah loo ogayn sababta ku kaliftay in xiligan xadhiga labadan masuul oo iyagu damaanad ku joogay , ay kashaqeeyeen  Odayaal iyo ururka suxufiyiinta ee solja  Damaanada Guddoomiyaha iyo Tafatiraha Haatuf ku qornaa.

Dhinaca kale sida la filayo waarankan qabashada ah ayaa la filayaa inay xukuumadu kaga jawaabayso Shirkii jaraa’id ee ay masuuliyiinta Haatuf 31-kii bishii hore ee May ku deedefeeyeen hor tagista maxkamadda, kuwaas oo ku dooday inaanay dhagaysiga 3-aad ee dacwadooda aanay hor tagi doonin maadaama oo saddex jeer oo ay Qareenadoodu Durreen garsooraha dacwadooda ka garnaqayey oo ay ku eedeeyeen inaanu dhex-dhexaad ka ahayn kiiskooda isla markaana uu u xaglinayo dhinaca masuuliyiinta xukuumadda.

Suxufiyiinta Haatuf ayaa sidoo kale shirkooda jaraa’id ku sheegay in laga diiday Rafcaan ay qaateen oo ay ku dalbanayeen in dacwadooda loo wareejiyey maxkamadda Rafcaan oo ay tilmaameen inay kaga kalsoon yihiin tan gobolka ee uu guddoomiyaha ka yahay Faysal Cabdilaahi Ismaaciil (Dhago-dhago).

 

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS