|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxaynu Askar U Noqonweynay !? Cumar Seerbiya.
June 30, 2014 - Written by Wariye:Dhinac waa ka sixitaan dhanka waa ka madadaalin baal kalena waa ka xog waramid wax loo soo joogay oo waqtigan ku haboon in wax laga sheego Sideedaba marka laga sheekaynayo arrin aad waaqica deegaankaaga ka jirta aad u adeegsan karto waxa kuu samaynaysaa macno gaar ah sababtuna waa adiga oo tusaale iyo tilmaan ugu adeegsan kara. Waxaan qayb qoraal yar ku darsanayaa sheekada Maxaynu Askar U Noqonweynay? oo runtii fikir iyo maskax furan lagu cabiray waxii hore looga yidhi. ragani labaduba waxay ku labisan yihiin dharkii askarta laba qorina waa sitaan waxayna isla markiiba igu amreen in aan fuulo baabuurkoodii oo aan ka fogayn lay kaxee layna gee saldhigii aan sheegtay ? maxaad ahayd waa su’aashii ugu horaysya ee uu I weydiiiyey taliyihii saldhigu?.u sheegay in aan ahay nin dhallinyaro shicib ah inta uu xadhig ugu amray ayaa hadana la I weydiiyey dharkan aad xidhan tahay (qabto) iyo kaygan (ka taliyaha) bal isku eeg ? waxaan ugu jawaabay surwaalka ayaanu iskaga mid nahay? Hadana I sii weydii oo yidhi “ shaadhka (Shaatiga) isaga iyo kuwakale ee dadku ay xidhaan ma isku mid baa (shicibka)? Ugu jawaabay” maya oo isna garbaha ayuu wax ku leeyahay waxaanu yara shabahaa dirayskii askarta”. marka ay halkaasi marayso ee aan anna dhagta u taagayo meesha ay sheekadu iskugu biyo shubato waxa uu intaasi ii sii raaciyey in dedaal u galay sidii uu taliyaha saldhiga ugu qancin lahaa in uu dharkan xarago ahaan uun u sitay balse ayna ka ahayn faro-gelin shaqada ciidanka waxaana soddon daqiiqo ka dib loo ogolaaday in uu ka baxo saldhiga isaga oo waliba lagu armay in uu bixiyo dharkii uu markaasi xirnaa looguna bedelay mid hun ah oo markaasi yaallay meesha saldhiga ahna dharka shacabka. Aniga oo sheekadaasi Guuleed maanka ku haya waxaan habeen kale kulanay nin asxaabta ka mid ah oo ah suxufi waxa uu si kooban iigaga waramay sheeko muddo yar socotay balse hadal haynteedu waqti badanmaskaxdayda ka sii guuxaysay waxayna ahayd sida uu iigu sheegay “Nin aanu maalin dhaweyd goob markaasi shir jaraa’id ka socday (hadalka dadka warka sameeya ) aanu ku kulanay oo markaasi aan u arkaayey weriye idaacada ma warbaahinta qoraalka ah ka tirsan marka la eegayo qalabkii uu warka ku duubayey ayaan caawa si amni ahaan ah ii baadhay “ hadalkaasi waa ka uu saaxiibkay sheekada iigu ibo fuiray. marka uu halkaasi marinaayo ayaan ku idhi bal ii sii faahfaahi maxaa kala galay suxufi iyo askari ii siiwad sheekadii “ ka dib maalintaasi ismaanan arag , caawa (habeenkaasi) ayaanu kulanay balse muuqaal kii maalintii hore ka duwan ayaan ku arkay iyo waliba shaqo ka duwan , oo maxay ah ayaan weydiiyey ? waxa uu isaga oo qoslaaya igu yidhi waxa uu ka mid ahaa askar baadhitaan ka waday jidka dhexe ee Hargeysa isaga ayaana baabuurkaygii baadhay Labadan sheeko markii aan is bar—bar dhigay waxaan is weydiiyey askarigiiba waakan Suxufi noqdaye Suxufigu maxuu askari u noqon waayey ? Cumar Seerbiya Hargeysa Somaliland Omarserbia1@hotmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|