|
|||||
WAJAALE NEWS
Magaalada Muqdisho Oo Saddex Askari Lagu Dilay Maanta Xili Ay Dawlada Somaliyana Hirgelisay Barnaamij Cusub Oo Lagu Adkaynayo Nabda..
June 29, 2014 - Written by Wariye:Muqdisho(wajaalenews) Laba boliis oo katirsan boliiska taraafikada ayaa lagu dilay jidka isgoyska dabka ee Muqdisho. Sida uu BBC u xaqiijiyay taliyaha taraafikada Gen Cali Xirsi, niman bistoolat watay ayaa toogtay laba kamid ah boliiska taraafikada oo kala watay darajo laba xidigle iyo laba alifle. Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa isagana lagu dilay suuqa xoolaha ee degmada heliwaa. Waxaa askariga laga qaaday qorigii uu sitay, markii la dilay sida uu BBC u sheegay ganacsade joogay goobka markii dilka uu dhacay. Dilkan ayaa yimid iyadoo dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka Muqdisho oo loogu magacdaray Nabad ku Afur. Dowladda ayaa heshay xog in Alshabaab ay kordhinayso weerarada bisha Ramadaan. Hargaysa Office Related posts:Madaxweynaha JSL Oo Billado Guddoonsiiyey Saraakiil Katirsan Ciidanka Qaranka Oo Guulo Kasoo Hooyey ... “Waxaan Shirkaa Laascanood Uga Digayaa Inay Ka Fogaadaan, Dagaal Dir Iyo Daarood Ah Oo ku Dushooda K... “DP World Waxaan Dekeda Ugu Wareeginay Inaan Wax korodhsano, Dalkana Maanu Xaraashayn, Ummadana Maan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|