|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo oo qado sharaf u sameeyey Ganacsatadii Muuse Biixi ka Reebtay iyo Hogaanka Xusbiga;Daawo Sawiro
June 22, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta Qasriga Madaxtooyadda Qado sharaf ugu sameeyey Ganacsatada kala ah Maxamed Aw Siciid, Jaamac Oomaar, Rashiid Ibraahim Ciise Dur-dur iyo Maxamed Xuseen, kuwaasoo uu wehelinayey Muuse Biixi Cabdi. siilanyoQado sharaftan oo ahayd mid kooban waxa ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Madaxweyne ku-xigeenka C/raxmaan Saylici, Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Wasiiro, waxaana laga jeediyey hadalo Mahadnaq ah. Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo marti-qaadka lahaa ayaa hadal Mahadnaq ahaa ujeediyey Ganacsatada, waxaanu ilaahay uga baryey wanaaga ay sameeyeen in uu khayr ugu bedelo, isagoo soo dhweeyey talaabada ay isku xil-qaameen sidii loo dhamayn lahaa khilaafka Xisbiga ka jiray. Ganacsatada oo iyana ka hadashay kulankaasi ayaa Madaxweynaha ka gudoontay Marti-qaadka uu u sameeyey iyo aqbalaada uu ka aqbalay inay dhex galaan murankii Xisbiga ka dhex taagnaa oo ay sheegeen in ay qayb ka mid ah dhameeyeen. Ganacsatadu waxay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigaba ka codsadeen in wixii kale ee khilaaf ah ee dhexdooda ah ay dhamaystaan, isla markaana aanu soo noqon muran danbe oo Xisbiga dhexdiisa ahi. Kulankan oo la filayey in lagu soo hadal qaado shuruudo dhinaca Muuse ka yimaada ayaan gabi ahaanba lagaga hadal wax ka badan Mahadnaq, hase yeeshee waxay inbadan dadku isweydiinayaan halka looga dhaqaaqi doono soo af-jarida Musharxnimadii Muuse Waxa xusid mudan in aan muuse biixi meesha ka hadal waxayna u eeg tahay xubnihii hesheeyay isagan ku amray inuu iscasilo ayunbaa isku mahadnaqay; WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:“Marka Uu Leeyahay Cabdirashiid Riyo Raac Isma Casilayo, Waa Ayo Cida Uu Ushaqaynayaa”Siyaasi Muxiya... DAAWO;-Odayaasha Iyo Waxgaradka Beesha Reer Fiqi Cumar Ee Ku Nool Jsl Oo Canbaareeyay Falkii Ka Dhac... Wasiirada Maaliyada Iyo Ciyaaraha Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Dhalinyarada Lagaga Wacyi Gelinayey Dh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|