Madaxweyne Siilaanyo oo qado sharaf u sameeyey Ganacsatadii Muuse Biixi ka Reebtay iyo Hogaanka Xusbiga;Daawo Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo oo qado sharaf u sameeyey Ganacsatadii Muuse Biixi ka Reebtay iyo Hogaanka Xusbiga;Daawo Sawiro
June 22, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta Qasriga Madaxtooyadda Qado sharaf ugu sameeyey Ganacsatada kala ah Maxamed Aw Siciid, Jaamac Oomaar, Rashiid Ibraahim Ciise Dur-dur iyo Maxamed Xuseen, kuwaasoo uu wehelinayey Muuse Biixi Cabdi.

IMG_0041IMG_0044

siilanyoQado sharaftan oo ahayd mid kooban waxa ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, Madaxweyne ku-xigeenka C/raxmaan Saylici, Hogaanka Xisbiga Kulmiye iyo Wasiiro, waxaana laga jeediyey hadalo Mahadnaq ah.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo marti-qaadka lahaa ayaa hadal Mahadnaq ahaa ujeediyey Ganacsatada, waxaanu ilaahay uga baryey wanaaga ay sameeyeen in uu khayr ugu bedelo, isagoo soo dhweeyey talaabada ay isku xil-qaameen sidii loo dhamayn lahaa khilaafka Xisbiga ka jiray.

IMG_0046IMG_0066

Ganacsatada oo iyana ka hadashay kulankaasi ayaa Madaxweynaha ka gudoontay Marti-qaadka uu u sameeyey iyo aqbalaada uu ka aqbalay inay dhex galaan murankii Xisbiga ka dhex taagnaa oo ay sheegeen in ay qayb ka mid ah dhameeyeen.

Ganacsatadu waxay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigaba ka codsadeen in wixii kale ee khilaaf ah ee dhexdooda ah ay dhamaystaan, isla markaana aanu soo noqon muran danbe oo Xisbiga dhexdiisa ahi.

Kulankan oo la filayey in lagu soo hadal qaado shuruudo dhinaca Muuse ka yimaada ayaan gabi ahaanba lagaga hadal wax ka badan Mahadnaq, hase yeeshee waxay inbadan dadku isweydiinayaan halka looga dhaqaaqi doono soo af-jarida Musharxnimadii Muuse

Waxa xusid mudan in aan muuse biixi meesha ka hadal waxayna u eeg tahay xubnihii hesheeyay isagan ku amray inuu iscasilo ayunbaa isku mahadnaqay;

IMG_0071IMG_0092IMG_0094IMG_0097

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS