Madaxweyne Marwo Samsam U Magacow Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Maadaama Ay Waxbarashadii Kaga Mashquushay Mijo-Xaabinta Muuse Biixi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Marwo Samsam U Magacow Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha Maadaama Ay Waxbarashadii Kaga Mashquushay Mijo-Xaabinta Muuse Biixi
June 6, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews) ;Wasiirada wasaarada waxbarashada Somaliland  Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa tan iyo maalintii la magcaabay aan ku hakan xafiiska wasaarada waxbarshada ay ku leedahay  waxayna inta badan ku mashquulsan tahay hawlo ka baxsan hawshii    madaxweynuhu  u igmaday Ee Ay Qarranka Somaliland U Haysay.

Marwo Samsam Cabdi Aadan ayay shaqadeedu noqotay marna inay lataliso   marwada koowaad ee dalka marwo aamina weris marna ay  isku hawsho sidii ay u kala qayb qaybin lahayd iskagana hor keeni lahayd beeesha ay ka soo jeedo.

Hawlahaa ay marwo samsam ay ku hawlan tahayna waxay u isticmaashaa dakhligii wasaarada waxbarashada loogu talo galay ama ha ahaadaan lacago ka yimi mashaariicda  ay ku deeeqaan hayadaha caalamiga ahi ku deeqaan wasaarada waxbarashada ama ha ahaatoo lacagtii wadada ceerigaabo ee lagu guray ardayda oo ay marwadu ku tagrifashay.

Imikana intan uu bilaabmay khilaafka kulmiye marwo samsam  cagtaba ma soo galiso xafiiskeeda  wasaarada waxbarashada  waxayna habeen iyo maalin ku hawlan tahay sidii ay u mijo xaabin lahayd  mujaahid muuse biixi cabdi oo ay isku beel ka soo jeedaan wallow ay isku day fara badan oo ay samaysay ku hungowdey.

 

Si kastaba ha ahaatee mudane madaxweyne mar hadii marwo samsam hawlahaa ku mashquulsan tahay oo ay dayacday wasaaradii aad u igmatay miyaanay haboonayn si aanay wasaarada waxbarshadu  u baylihin in cid hanan karta aad u magacawdo marwo samsamna aad u magacawdo wasaarada xidhiidhka golayaasha  ee bilaa xafiiska ah ileyn awelba bilaa xafiis ayay marwo samsam ku shaqaynaysaa  madaxtooyadana ha u soo dhawaatee

 

SICIID AXMED WACAYS

HARGAYSA

EMAIL:siciidwacays1@gmail.com

phone:633478264

Ka Dhiibo Fekerkaaga

 

 

;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;

fikirka qofku kama tujumayo shabakada qofkastaana waa u xor fikirkiisa ;;;;;

COMMENTS
LINKS