Madaxweyne-ku-Xigeenka Somaliland Mr. Saylici oo Meel ka Baxsan Xayn-daabka Gurigiisa ka Samaystay Bulaacad iyo Khatarta ka Dhalan karta;; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne-ku-Xigeenka Somaliland Mr. Saylici oo Meel ka Baxsan Xayn-daabka Gurigiisa ka Samaystay Bulaacad iyo Khatarta ka Dhalan karta;;
June 16, 2014 - Written by Editor:

Sharciga wadhatada ganaaxa wasiirka gool ulooga

sharciga lagu kala golrood yahay

sharciga jajabkii gumaaday

Hays odhan cidi kuma arkaysee aqalo jeexo

nin xilqaaday eed qaadyeey hoy hoy;;;;;;;;;;

 Hargeisa(Wajaalenews) ;Waxa dhawaan gacanta laga qaaday dhismaha  guri weyn oo dawladda Somaliland ay ku maamuuseen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), gurigaas oo ku yaal Shacabka, gaar ahaan ka soo horjeedka xarrunta CID-da Somaliland.

sayliciHaddaba, kahor inta aan gurigan weyn ee shubka ah laga yagleelin goobtaas, ayaa waxa laga daad-gureeyey masaakiin danlay ah oo meeshaas degganaa, kadib markii dawladdu qorshaysay in Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland lagu maamuuso dhismaha gurigaas sida tayadda leh loo dhisay, taasoo qayb ka ahayd qorshaha in cida mansab sarre ka gaadha dawladda la siiyo guri uu isagu gaar u leeyahay, iyadoo arrintaasna ay daba socotay, kadib markii Madaxweyne-ku-xigeenkii hore Axmed Yuusuf Yaasiin ee dawladdii uu hoggaamiyaha ka ahaa Daahir Rayaale Kaahin uu ku adkaystay in aanu ka guuri doonin hoygaas oo dhismihiisa lagu hirgeliyey hantida Qaranka.

Sidaa daraadeed, guriga loo yagleelay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mr. Saylici, ayaa qiimaha lacageed ee ku baxay lagu qiyaasay qadar lacageed oo gaadhaya ilaa 120, 000 oo dollar, kasokow bilicda iyo qaabka loo dhisay, ayaa dhismahan waxa lagu xayn-daabay dayr weyn oo isku wareeg lagu qiyaasay ilaa 300 oo tallaabo, waxaana hortiisa marta wado laami ah oo qiyaas ahaan dayrka u jirta ilaa 10 tallaabo, sidoo kale waxa dayrka debaddiisa dhinaca albaabka hore ee laga galo guriga laga sameeyey dhismi suuli loogu tallogalay inay galaan askarta ilaaladda, haddaba muwaadin ma haboon tahay in guri leh dayr 300 oo tallaabo oo isku wareeg ah suuligiisii haddana debadda looga saaro, waxana intaas dheer in masaafadda dayrku u jiro laamiga ay qiyaas ahaan dhan tahay 10 tallaabo, haddana suuligii laga hor sameeyo dayrka dibadiisa iyo inta u dhexaysa laamiga, markaas maan la odhan Karin Mr. Saylici muu garan heerka maamuus ee uu ka helay Qaranka Somaliland, maxaa yeelay wuxuu si sharci daro ah suuli uga sameeyey gurigiisa hortiisa, isla markaana wax meesha ka maqan in waaxdii ku shaqada lahayd la dagaalanka meelaha sida sharci darrada loo dhisto ay u habranayaan kolba cida mas’uul ah, halka ay isla markiiba ugu awood sheegtaan shacabka, kuna tilmaamaan inay sharci darro tahay, markaas wax is waydiin mudan cida uu qabto sharcigu iyo sharciga ma loo siman yahay?

Si kastaba aha ahaatee, waxa xusid mudan sida maamulka iyo dadweynaha Somaliland ay u garteen heerka maamuska qaran ee ay u muujiyeen kolba kooda mansab sarre qabta in loo hibeeyo hanti uu isagu iska leeyahay, xataa markuu ka dhaadhaco kursiga, sidaa daraadeed waxa isla maamuuskaas oo kale laga filayaa inuu celiyo mas’uulka loo gartay in loo sharciyeeyo hanti Qaran oo looga dhigo hanti shakhsi.

Madaxda qaranka Somaliland, waxa markasta laga filayaa inay tixgelin iyo qadaran badan u muujiyaan bulshada kolba soo doorata, taaso tusaale fiican u noqon karta heerka kalsooni ee u dhexaysa labada dhinac, intaas kadib dulucdu waxay ku biyo shubanaysaa in markasta dadka mansabka sarre ka qabta dawladdu aanay gebi ahaanba dareensanayn siday si daacad ah ugu gudan lahaayeen xilka ay u soo igmadeen dadweynuhu, iyadoo uu isla markaasba ku kaco siduu fursada uu helay ugaga faa’iidaysan lahaa dano shakhsiyan ah, sida in uu ku-amar-ku-taagleeyo isagoo adeegsanaya awooda shaadhka dawladda iyo in dadweynihii soo doortay uu u arko kuwo kaliya marin u ah dariiq lagu fuulo mansabka xilka madaxtinimada.

Haddaba, haddii aan u soo guddo-dego dulucda ararta ujeedada qoraalkan oo aanu ugu tallogalnay inuu noqdo mid ku dhawaaqa xaqa ama kolba ku shimbiro-waaqleeya cidkasta oo wada sifo sharciga baal-marsan, hadduu tahay cid dawlad u shaqeysa iyo hadday tahay shicibkaba.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS