Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Guddida Fulinta Kulmiye iyo 267 xubnood oo Golaha Dhexe ah oo qado sharaf ku yeeshay Hotel Ambasador | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Guddida Fulinta Kulmiye iyo 267 xubnood oo Golaha Dhexe ah oo qado sharaf ku yeeshay Hotel Ambasador
June 1, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews);Garabkii uu hogaaminayay madaxwayne siilaanyo ayaa maanta Kulan qado sharaf ah ku yeeshay huteel anbasador waxana  guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Isaamciil Saylici ayaa ka dhacay Hotelka Ambassador kaasoo ay ka soo qayb galeen 267 xubnood oo ka tisan Golaha Dhexe, waxaana lagaga dhawaaqay in Xisbigu aqbalay dhex dhexaadinta Golaha Guurtiddu ka dhex wado Xisbiga.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ka hadlay madasha qado sharafta ahayd ayaa sheegay ujeedada ay isugu yimaadeen in ay tahay Casuumad Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u fidiyey xubnaha Golaha Dhexe, Guddida Fulinta iyo Hogaanka, kuwaasoo Caasimada u yimi inay ka qayb qaataan shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga, kaasoo uu sheegay in Madaxweynuhu ka aqbalay Golaha Guurtidda xalinta khilaafka ka dhex jia Xisbiga.

C/raxmaan Saylici waxa uu madasha ka sheegay in Xubnihii Golaha Dhexe oo dhan 257 ku sugan yihiin Qado sharafta, labaataneeyo ka mid ahina hawlo shaqo ugu maqan yihiin Dibeda, waxaanu sheegay inay taasi muujinayso Xisbigii Kulmiye in uu ku dhan yahay madasha, hase yeeshee waxa uu u baaqay xubnaha ka maqan ee ay ugu horeeyaan Guddoomiyaha Xisbiga iyo ku-xigeenku in ay ku soo laabtaan Xisbigooda.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo ka hadlay madasha lagua sameeyey qado sharafta ayaa sheegay in balantu ahayd in manta uu qabsoomo shirkii Golaha Dhexe ee Xisbigu balse ay talo ahaan qaateen soo jeedintii Madaxweynaha ee ahayd in la sugo Ergada Golaha Guurtidda, taasoo uu ku tilmaamay in ay qaadan doonto maalmo kooban, isagoo xubnaha Golaha Dhexe kula dar-daarmay inaanay fogaanin ee ay sugaan dhawaaqa danbe ee la isugu yeedhi doono.

Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan C/raxmaan Talyanle oo ka hadlay munaasibada Xisbiga Kulmiye ku marrtiqaaday xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga ayuu ku sheegay in uu ka mid ahaa wefti Dalka Ingiriiska ku sugnayd oo doonaysay awlo qaran in ay ugu baxaan dalal kale, balse markii khilaafka Xisbiga ay maqleen ay soo gaabiyeen socdaalkoodii, isagoo tilmaamay madashan in uu ku arko in aanu Xisbigii u kala maqnayn.

Talyanle waxa uu Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin ugu baaqay in ay talada Xisbiga dib ugu soo noqdaan oo ay kala qayb qaataan, isla markaana ku soo laabtaan xayndaabka Xisbiga.

Xildhibaan C/lahi Balaaki oo ka mid ah xubnaha Golaha Dhexe iyo guddida qaban qaabada shirka Golaha Dhexe ayaa liisaska Hogaanka Xisbiga, Guddida Fulinta iyo Golaha Dhexe ba mid mid uga akhriyey qado sharafta.

XUKUUMADA AYAA IYADU DHINACEEDA WADA HAWSHEEDII IYADOO AY SOCOTO WAAN WAAN TII GOLAHA GUURTIDU SOCOTO

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS