|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne JSL Siilaanyo oo Digreeto Madaxwayne Ku Dhaqan-geliyey Xeerka Diiwaangelinta Muwaadinka
June 8, 2014 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED HARGEISA(Wajaalenews) ;Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2560/062014 ku dhaqan-geliyey Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Muwaadiniinta.XEER MADAXWEYNEQaybta 1aadXubinta 1aadMabaadii’da GuudQodobka 1aadEray BixinMuwaadin: Waxa looga jeedaa qofka ka isiran dadkii deganaa geyiga Somaliland 26-kii bishii 6-aad 1960-kii iyo wixii ka horeeyey iyo qofka sifo sharci ah lagu siiyey Jinsiyada Somaliland.Wasiir: Waxaa looga jeedaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.Madaxweyne: Waxaa looga jeedaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.Wasaaradda: Waxaa looga jeedaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.Diiwaangelin: Waxaa looga jeedaa habka lagu uruurinayo xogta muwaadiniinta ee lagu gelinayo isla markaana lagu kaydinayo Diiwaanka Qaranka oo ay meel-marinayso Wasaaradda Arrimaha Guduhu.Diiwaanka Qaranka: Waxaa looga jeedaa diiwaan lagu kaydiyo dhammaan magacyada muwaadiniinta la diiwaangeliyey.Xog: Waxaa looga jeedaa macluumaadka laga qoro qofka ee ku xusan Qodobka 11aad ee Xeerkan.Foomka Diiwaangelinta: Waxaa looga jeedaa waraaqda ku xusan Qodobka 11aad eeXeerkan ee lagu qorayo xogta muwaadinka.Qodobka 2aadDhaqan-gelinta Diiwaanka Qaranka ee MuwaadiniintaWaxa Xeer-nidaamiyahan lagu dhaqan-geliyey Diiwaanka Qaranka ee Muwaadiniinta kaas oo looga gol-leeyahay in:
Qodobka 3aadLahaanshaha DiiwaankaDiiwaanku waa hanti qaran, waxaana uga masuul ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha.Qodobka 4aadDadka Xaqqa U Leh in la DiiwaangeliyoWaxaa xaq u leh in la diiwaangeliyo muwaadin kasta oo gaadhay da’da Lix iyo Toban jir.Qodobka 5aadAnsixinta DiiwaangelintaWasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa u xilsaaran ansixinta Diiwaan-gelinta Muwaadiniinta ee goob kasta.Qodobka 6aadIlaalinta Xogta la DiiwaangelintaWaxaa reebban:
Qodobka 7aadDaabacaadda iyo Xarunta Diiwaanka
Qodobka 8aadSugitaanka MuwaadinkaSugitaanka muwaadinka waxaa loo raacaya sidan soo socota:
Qodobka 9aadFoomka DiwaangelintaFoomka diiwaan-gelinta ayaa sal-dhig u noqonaya diiwaan-gelinta Muwaadinka, iyada oo dhammaystiran ayuunbaa la gelin karaa diiwaanka.Foomka Diiwaan-gelinta waxa lagu qorayaa xogaha hoos ku qoran ee muwaadinka:-
Xubinta 2aadQodobka 10aadGoobta DiiwaangelintaWaxa la cayimayaa Goobo Diiwaangelineed, waxaana la dejinayaa nidaam lagu kala garto goobaha iyada oo la siinayo Degmo kasta tirsi lambar oo u gaar ah.Qodobka 11aadHawl-galka DiiwaangelintaBilawga hawl-galka diiwaangelinta Muwaadiniinta waxa sal-dhig u ah qoddobadan soo socda oo ay waajib tahay in la dhammaystiro.In loo raaco Diiwaangelinta heerarkan ama jaranjarooyinkan:
Qodobka 12aadNidaamka Diiwaangelinta Muwaadinka.Maalin kasta inta aan la furin goobta diiwaangelinta waxaa mas’uuliyiinta Goobta ku waajib ah:-
Qodobka 13aadDhaqan-gelinta DiiwaangelintaIyada oo la adeegsanayo dhammaan hababka warbaahinta kala duwan ee ka jira dalka:
Qodobka 14aadXilka iyo Waajibaadka Mas’uuliyiinta DiiwaangelintaXilka iyo waajibaadka mas’uuliyiinta Diiwaangelinta waxaa ka mid ah in:
Qodobka 15aadHabka Xafidaadda Qalabka Diiwaangelinta1) Hawlmaalmeedka goobta diiwaangelinta waxaa la bilaabayaa 7:00 subaxnimo, waxaanay dhammaanaysaa 6:00 galabnimo.2) Haddii dib-u-dhac ku yimaado saacada furitaanka ee goobta waa in lagu caddeeyo war bixinta sababta keentay dib u dhacaas.3) Haddii dib-u-dhacu aanu garawshiiyo lahayn waa in masuulka diiwaangelinta ee degmadu talaabo ka qaadaa, sidaasina uu war bixinta ku guddbiyaa.4) Marka ay dhammaato hawl-maalmeedka shaqo ee diiwaangalintu dhammaan qalabka diiwaangelinta waxaa lagu haynayaa Xafiisyada Diiwaangelinta.Qaybta 2aadXubinta 1aadQodobka 16aadShaqaalaha DiiwaangelintaSi loo dhaqan-geliyo Diiwaangelinta, waa in la shaqaaleeyaa shaqaale khibrad iyo xirfad u leh dhaqan-gelinta Diiwaangelinta iyada oo inta aan qofka la shaqaalaysiin ka hor la qeexo:
Qodobka 17aadShuruudaha Shaqaalaha ka Hawlgelaya DiiwaangelintaQofka loo qaadanayo Xafiisyada kala duwan ee sugidda Muwaadinnimo Waa:
Qodobka 18aadReebbanaanWaxa reebban in ay hawsha Diiwaangelinta ka hawl galaan:
Qodobka 19aadDhaarta Hawl-wadeenada Ka-hawl-gelaya Diiwaangelinta MuwaadinkaXubnaha loo magacaabay goobaha diiwaangelinta degmada iyo gobolka waxa dhaarinaya guddoomiyaha Maxkamadda Degmada (dhaar fagaare), dhaartaas oo noqonaysa sidan:“WAXA IGU WALAAHIYA OO IGU BILAAHIYA INAAN HAWSHA DIIWAAN GELINTA U GUDAN DOONO SI XILKASNIMO IYO DAACADNIMO LEH, SHARCIGA IYO CADAALADDANA AAN KU SHAQAYNAYO”Xubinta 2aadQodobo kala DuwanQodobka 20aadHabka Qoraalka MagacyadaMagaca muwaadinka waa in lagu qoro xuruuf la isku wada sar-gooyey; waana in aanay kala duwanaanin xuruufta iyo qoraalka ay mas’uuliyiintu u adeegsanayaan diiwaangalinta.Qodobka 21aadSaxitaanka Xogta KhaldantaSaxitaanka xogta khaldan waxaa loo raacayaa sidan soo socota:
Qodobka 22aadBixinta Warqadda aqoonsigaMuwaadin kasta oo is diiwaangeliyey wuxuu xaq u leeyahay in la siiyo warqadda aqoonsiga.Qodobka 23aadReebbanaanta qaadashada Wax-ka-badan Hal Warqad Aqoonsi
ALLAA MAHAD LEH
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|