Madaxweynaha Cusub ee Dalka Masar Oo Maanta Loo dhaariyay Xilka .Cabdifataax Al-Sisi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Cusub ee Dalka Masar Oo Maanta Loo dhaariyay Xilka .Cabdifataax Al-Sisi
June 8, 2014 - Written by Editor:

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay magaala madaxda dalka Masar ee Qaahira, ka hor xafladda dhaarinta madaxweynaha cusub ee dalkaasi oo horey u ahaan jiray taliyaha ciidamada militariga Cabdifataax Al-Sisi.

Qaahira(Wajaalenews); Madaxweynaha la doortay ayaa lagu dhaariyay maxkamadda dastuuriga ah ee magaalada Qaahira.

Cabdifataax Al-Sisi ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadii dhacday bishii la soo dhaafay inkastoo dadka codadkooda dhiibtay ay ka yarayd boqolkiiba 50.

Doorashada ayaa ku soo beegmeysa muddo ka yar hal sano kaddib markii Al-Sisi uu xukunka ka tuuray madaxweynihii islaamiga ahaa ee Maxamed Mursi.

Al-Sisi ayaa hormuud ka ahaa hawlgallo ka dhan ah dadka isaga dhaliilsan, waxa uuna sidoo kale mamnuucay ururka ikhwaanul Muslimiin oo ka tirsan yahay Maxamed Mursi

COMMENTS
LINKS