Madaxwayne Waxaan kuleeyahay magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca;’Afhayeenka xusbiga wadani ee gobolka Gabiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Waxaan kuleeyahay magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca;’Afhayeenka xusbiga wadani ee gobolka Gabiley
June 2, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews); Afhayeenka xusbiga wadani ee gobolka gabiley Eng Daa,uud Abiib Axmed ayaa madaxwaynaha somaliland usoo jeediyay dardaaran, dhaliil iyo talo dhaxal gala oo  hadii uu qaato madaxwynuhu anfici doonta hadaba afhayeenka oo maanta qoraal kooban soo gaadhsiiyay shabakada caalamiga ah ee wajaalenews,net wuxuu u dhignaa sidan;Waxa aan Dhaliil dusha kasaarayaa xukuumada hada jirta oo ilowday xuskii 31may iyo qiimaha ay uleedahay umada somaliland sida ay u ilowday mujaahidiintii snm madax iyo mijo  ee aan xil, shaqo midna ahayn

 Hadaba ma waxa jira wax aynaan ogayn oo laysla ogyahay?, watanoo 18may waala wada dabaal dagayay,mucaarid iyo muxaafidba cajab;su,aasha dadwaynaha ayaan u dhafayaa,mise waa filinkartoon mudo kordhin lagu rabo?waa maya taasi waynu necbayn xiligii aynu isku xusbiga ahayn waxaanaynu dooni jirnay oo xusbiyadanina u haraadan yihiin doorasho, wakhtigeedii dhacda hala tartamo baa loo fadhiyaa waxana lasugi cida kuguulaysata kalsoonida umada

 Mida kale waxaan odhan lahaa mudane madaxwayne hanoqon sidii Robet mugabe, ee noqo mandelaha somaliland una dhaqan siyaasi garoonka siyaasada soogalay 1967, takale 31may mawaxa kaqiimo badatay inaad bulshada u horseedo muran siyaasadeed, iyadoo markii horeba laciirciiraysay sixirbarar,shaqo la,aan iyo waliba aafada tahriibta dayarteeniina ku idlaatay,

Dalkani muxuu u baahan yahay? ilayn xilbaa kusaarane waxaan ku odhan lahaa booska mucaaridada u banee labada xusbi ee kale, adna madaxwayne ku foof baahidii laguu doortay

waxaan hadalkayga kaga baxayaa;;

 Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca

hana talin masiibiyo wax makhluuqan kaladila

maskaxdaadu yay noqon makhal lagula leeyahay

COMMENTS
LINKS