|
|||||
WAJAALE NEWS
Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Furay Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Ee Xawaadlle
June 25, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) Maayarka Caasimadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa xadhiga ka jaray dib-u-dhis iyo ballaadhin lagu sameeyey garoonka kubadda cagta Xawaadle ee Degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa gellinkii dambe ee maanta. Xaflad si qurux badan loo agaasimay oo loo sameeyey furitaanka garoonka Kubadda ee Xawaadle, waaxa ka qaybgalay Maayirka iyo ku-xigeenka Hargeysa, Wasiirka Waxbarashadda marwo Samsam Cabdi Aadan, Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshadda ee Golaha Wakiillada Md. Xasan Cawaale Caynaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), Xoghayaha Gaarka ah ee madaxweynaha Somaliland, xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka, guddida xaafadda Xawaadle iyo dhallinyaro ciyaartoy ah oo aad u badan. Maayirka caasimadda Hargeysa oo xafladda furitaanka ah hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in dhismaha lagu sameeyey garoonka kubbadda ee Xawaadle ay ku baxday lacag dhan ilaa $38 kun oo doollar, dhaqaalahaas oo uu xisay inay iska kaashadeen dawladda Hoose iyo dhallinyarta xaafadda Xafaadle ee magaalada Hargeysa, iyadoo garoonka la ballaadhiyey, loona sameeyey dayr ku wareegsan iyo kaabaddo dhaareer oo loogu tallogalay in dadka ciyaaraha daawada ku fadhiistaan. “Markii hore waxaannu ku talogalnay inay Dawladda Hoose qalabka bixiso, gacantana ay bixiyaan ganacsaatadu, laakiin markii aannu ganacsatadii waxba ka weynay, dhallinyarta iyo annaga ayuun baa isku tashanay, lacagta ku baxdayna waa ilaa $38,000 (Siddeed iyo soddon kun oo doollar). Marka laga tago wixii ku baxay gawaadhida shaqaynsay, dhallinyaraduna waxay keeneen $8 kun oo doollar, inta kalena Dawladda Hoose ayaa ku deeqday, hawshanina waa mid bilaw ah, marka garoonkan dhammaado, waxaannu bilaabaynaa garoonka kubadda ee Gacan-libaax. Dadka garoomada ciyaalku ku ciyaarayaan sheeganayana waxaannu u sheegaynaa in aanaan cidna dhul beddel u samaynayn,” ayuu yidhi maayirka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko. Waxa kaloo maayirku sheegay in welin qabyo yar ka dhiman tahay garoonka Xawaadle, uguna deeqay si shaqsiyan ah lacag dhan $2 kun oo doollar, iyadoo maayirka la guddoonsiiyey shahaado-sharaf lagu siiyey sida hufan ee uu ugu hagar baxay dib-u-dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Xawaadle. Sherkh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (AadanSiiro) oo si gaar ah u deggen xaafadda Xawaadle, ayaa ayaa dawladda Hoose ee Hargeysa uga mahadceliyey sidda ay uga qaybqaateen dhismaha iyo ballaadhinta garoonka Xawaadle, isagoo xusay in isaga iyo Wasiirka Waxbarashaddu lacag ugu deeqayaan si loo dhamaystiro qabyada ka muuqata garoonka. “Aniga oo odayaasha xaafadda ka mid ah, waxaannu u mahadnaqaynaa dadka qiimaha leh ee dib-u-dhiska garoonka ka shaqeeyey, dhallinyaradeennuna waxay u baahan yihiin goobo ay ku ciyaaraan, annagu horena waannu ugu jirney immikana ka hadhi mayno. Samsam Cabdi Aadan (Wasiirka Waxbarashadda) hoos bay wax iigu sheegtay oo $2 kun oo doollar ayey ku deeqday, aniguna intaas in leeg ayaan ku deeqayaa,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro. Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Mr. Cali Axmed Cali oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay dhismaha garoonka hore gacan uga gaysteen, xilligana diyaar u yahay inuu ka qaybgalo wixii lagu qabyo tirayo garoonka, isagoo xusay in madaxtooyadu bixin doonto kharashka ku baxaya tartanka ugu horreeya ee garoonka lagu qabto. Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshadda ee Golaha Wakiillada Md. Xasan Cawaale Caynaan, ayaa isugna ballanqaaday qayb muhiim ah ka qaadan doono sidii loo dhamaystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman garoonka Xawaadle oo uu ugu horreeyo rood doog ah in la dhigo, kharash arrintaas lagu daboolana qaadhaan ahaan kaga ururin doono mudanayaasha Golaha Wakiillada. Waxa kaloo halkaas ka hadlay Mr. Nimcaan Cabdi Cali oo ka tirsan dhallinyaradda Xaafadda Xawaadle, isla markaana ka qaybqaatay dedaalkii dib-u-dhiska loogu sameeyey garoonka kudbadda cagta, isagoo u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka gaystay hawlaha la xidhiidha Garoonka Xawaadle oo uu xusay inuu yahay mid hal-bawle u ah degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|