|
|||||
WAJAALE NEWS
MAANSO SIILAANYO TIRIYAY IYO JAWAABTII MUUSE BIIXI
June 5, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(Wajaalenews) ;Maansadan yare e kooban oo ah mid maad iyo murtiba xambaarsan waxaan ku kala cabiraynaa dreenka ama aragtiyaha ay kala aamin san yihiin madaxweyne axmed siilaanyo iyo mujaahid muuse biixi waxaana tiriyay : Abwaan Cabdi Kariim Muxumed Cadde(QAAMUUS)Waxayna labada masuul is dhaafsadeen labadan maanso:
Maansada Siilaanyo: Ninkuu shacabku doortee Shaalka saaray baan ahay Sheekhii kulmiyaan ahay Shan kastoo timaadana Waxaa sharaxan kaligay Midhna aan ka shaafiyo Shacabkiyo dadkaygee Isagaa is shawakhshoo Isla shaamareeree Muusena shuruud iyo Shay anuu lamaan galin Waligaa i shiid shiid Ama shaani tuur tuur Hadaad calan-cas shirisana Shiishtaydii baa iman Bal waxaydun sheegtaan
Maansada Muuse Biixi Ku Jawaabay:
Kulmiyeynu share iyo Ku ahayn shuraakee Maxaa sheeko suuqdiyo Keenay shuruud lamaan galin Hankaygii i shidi jirey Markuu galay shinkiisii Hadaan sheegtay oon idhi Haatan waa shantaydii Sharaca lee ma kiis baa? Sharcigay ku taalaa Waligayba sheekhow Inaan kuu shaqeeyoon Shaadhka adiga kuu tolo Ana sheed ka daawado Kursigaa shidada badan Ma anigaa nin shaani ah Waa maxay shirqoolkiyo Shaabadani raqiiskii? Shan horood la waydiyo Shantan aad dul saarnayd Ayaan sheekh ku soo sidoo Shan kale ma karayee Shoogaygii weeyee Naso sheekh ha daaline!! La Soco Qayabaha Dambe Maansada Way Sii Socotaa,,, Kuna soo darso akhriste waxii fikir ah Email: qaamuuskaqarniga01@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|