Kulanka Caawa Dhexmari doona Talyaaniga Vs Ingiriiska iyo Hanjabaadaha Labada Dhinaca ka soo Yeedhaya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulanka Caawa Dhexmari doona Talyaaniga Vs Ingiriiska iyo Hanjabaadaha Labada Dhinaca ka soo Yeedhaya
June 14, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) ;Qaramada Talyaaniga iyo Ingiriiska, ayaa caawa fooda isu dari doona ciyaartoodii koowaad ee kulanada tartanka koobka ciyaaraha adduunka ee sannadka 2014 ka socda dalka Brazil, taasoo ay ku wada jiraan Unugta D ee isku aadka tartanka.

Xulalka Ingiriiska iyo Talyaaniga, ayaa caawa wada yeelan doona mid ka mid ah ciyaaraha koobka adduunka ee 2014, taasoo labada dhinac loo tiriyo inay kaalmaha hore kaga jiraan dalalka cududa ciyaareed ee dhinaca kubadda Yurub iyo adduunkaba.

Haddaba, diyaargarowga kulankan ee labada dhinac  ayaa la sheegay inay si weyn isu soo abaabuleen, inkastoo dhinac kastaa xagiisa u tirinayo inay guusha hanan doonaan, balse sida ay xaqiiqdu tahay ayaa ka duwanaan doonta marka la isu haleelo gegada ciyaarta.

Xulka Talyaaniga, ayaa iyagu dhinacooda aad uga xummaaday dhaawac ku yimi mid ka mid ah rukunadda ugu waaweyn ciyaartoyda, kadib markuu goolhaye Gianluigi Buffon oo waxyeello ka gaadhay isgoyska cagta hoose, inkastoo aan la sheegin mudda uu kaga kaban doono dhaawaca gaadhay, balse dhinaca maamulka xulka Talyaaniga ayaa caddeeyey baddelka Buffon uu noqon doono goolhaye Salvatore Sirigu.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoyga khadka dhexe uga safta xulka Talyaaniga Andrea Pirlo, ayaa la rumaysan yahay inuu doorweyn ka qaadan doono kulanka caawa, halka dhinaca kale xulka Ingiriisku uu si weyn isugu hawli doonaan siday Pirlo uga kala jari lahaayeen kubad bixinta iyo isku-duba-ridka khadka dhexe, iyadoo maamulka xulka Ingiriisku ay shaxdooda ciyaareed ku salayn doonaan kolba khadka ama nidaamka safida ciyaaroyda ee ay la yimaadaan xulka Talyaanigu.

Dhinaca kale, kabtanka Ingiriiska Stephen Gerrard, ayaa isagu dhiniciisa sheegay in ciyaaroydiisu aanay wax cabsi ah ka qabin dhigooda kale ee ay caawa garoonka ku kulmi doonaan, iyadoo kabtanka Ingiriisku uu ciyaarta caawa safan doono kulankii 112-aad ee uu dalkiisa uga qaybgalay ciyaaraha heerka caalamiga ah, wuxuuna qaraka u saaran yahay inuu gaadho rikoodhka safashada ciyaaraha caalamiga ah oo uu haysto xiddigii hore ee qaranka Ingiriiska David Beckham oo saftay 115 kulan oo heer caalami ah.

WAJAALENEWS DESK KALA SOCO FALAQAYNTA CIYAARAHA ADUUNKA

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS