Kooxo Islaamiyiin ah oo 48-qof ku dilay Weerar ay ku qaadeen dalka Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxo Islaamiyiin ah oo 48-qof ku dilay Weerar ay ku qaadeen dalka Kenya
June 16, 2014 - Written by Editor:

KENYA(Wajaalenews) ;Ugu yaraan 48-qof ayaa lagu dilay, 80-qof oo kalena waa lagu dhaawacay kaddib weerar ay kooxo Islaamiyiin ah oo wata calan madow ku qaadeen magaalada Mpeketoni oo ka mid ah deegaannada loo dalxiis tago ee ku yaalla xeebaha Kenya.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee Kenya lagu qaado dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo saraakiil u hadlay xukuumadda Kenyatta ay qaar ka mid ah warbaahinta u sheegeen in weerarka la tuhunsan yahay inay Al-shabaab ka dambeyso.

Illaa hadda waxaan helnay maydadka 36-qof, waxaana ku gudo jirnaa baaritaanka maydad kale oo dagaalka ku dhintay,” ayuu AFP u sheegay Benson Maisori oo ah ku xigeen guddoomiyaha Mpeketoni.

Kooxahan hubeysan ayaa weerarkooda billaabay maqribnimadii xalay isagoo socday illaa waaberigii saakay oo Isniin ah, iyadoo kooxahan ay isaga tageen goobta, balse lama oga halka ay rasmi ahaan aadeen.

Dagaalyahannada weerarka soo qaaday qiyaastii waxay ahaayeen 50-qof oo aad u hubeysan, waxayna wateen saddex baabuur oo ay ka babanayaan calanka madow ee lagu yaqaan Al-shabaab,” ayuu Maisori hadalkiisa ku daray, isagoo xusay inay kooxdan weerarka ku bartilmaameedsadeen dhismayaal ay ku jiraan hoteello, baarar laga cunteeyo, bangiyo iyo xarumo dowladeed, kuwaasoo dhammaantood ay qabsadeen.

Benson Maisori ayaa hadalkiisa ku daray: “Waxay ku hadlayeen Soomaali waxayna ku qaylinayeen erayo ay ka mid yihiin ‘Allaah Akbar’ oo macnaheedu yahay Allaa weyn.”

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in baararka iyo goobaha la weeraray qaarkood lagu daawanayay ciyaaro ka mid ah kuwa koobka Adduunka ee ka socda Brazil, halkaasoo ay ku jireen dad badan oo ciyaaraha daawanayay.

Magaalada Mpeketoni waa magaalo ganacsi oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee ku yaalla deegaannada uu maro jidka xeebta Kenya taga, waxayna 30-km Koonfur-galbeed kaga beegan tahay Jasiiradda Lamu, halkaasoo ah goobaha loo dalxiis tago dalka Kenya.

Afhayeenka milateriga Kenya, Maj. Emmanuel Chirchir in kooxahan ay si qorsoodi ah ku galeen magaalada iyago toogtay dad shacab ah, sidoo kalena weerarro kala duwan ku qaaday saldhigyada ciidamada booliiska ee magaalada.

Kooxdan waxay ka tirsan yihiin Al-shabaab, taasi shaki kuma jiro, jawaab deg-deg ah ayaana ka bixinaynaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Chirchir. Iyadoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin weerarkaas lagu eedeeyay.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacayay qaraxyo, weeraro toos ah, dilal qorsheysan iyo falal kale oo ammaanka ka baxsan, tan iyo markii ay ciidamadeed oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay u soo dirtay Somalia sannadkii 2011.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS