Koobka Adduunka Oo Maanta Ka Furmaya Brazil iyo Amniga Oo La adkeeyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Koobka Adduunka Oo Maanta Ka Furmaya Brazil iyo Amniga Oo La adkeeyay.
June 12, 2014 - Written by Wariye:

koobka aduunkaHargeysa(Wajaalenews):-Koobka adduunka oo ay si live ah u daawaan doonaan dad lagu qiyaasay malaayiin ruux ayaa maanta se uga furmi doonaa Brazil oo marti ay u noqon doonaan 32-xul oo adduunka ka tirsan si ay koobka uga qayb-galaan.

Ciyaarta furitaanka ayaa dhex mari doonta xulalka Brazil iyo Crotia, waxaana culayska ugu badan uu saarnaan doonaa laacibka kooxda Barcelona Nymar, kaasoo hogaamin doona weerarka xulkiisa,halka xulka Croatia uu ganaax ku seegi doono kulankan Mario Mandzukic.

Xafladda furitaanka ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo magaalada Sao Poulo, waxaana lagu soo bandhigi doonaa fantasyo la xiriira kubadda cagta iyo horumarada laga gaaray,iyadoo dadweyne badan ay u soo daawasho tagi doonaan.

Brazil wali lagama badin ciyaar furitaan ah oo koobka adduunka ka tirsan, waxaana laacibiinta xulka Croatia ay maanta geed dheer u fuuli doonaan sidii ay rikoorka uga jabin lahaayeen ciyaaryahanada u wato Scolari oo koobki ugu danbeeyay Brazil u qaaday sanadkii 2002-dii .

Xulka marti-galinaya koobkan ayaa 1-0 uga badiyay  Croatia sanadkii 2006-dii kulan ka tirsanaa isreeb-reebkii guruubyada, iyadoo uu goolkaas saxiixsay Kaka oo xilligaas xidig muhiim ah ka ahaa xulkiisa.

Tababare Scholari ayaa ku hanjbay in ay ku guulaysan doonaan koobkan,isaga oo u digay xulalka u sharaxan in ay qaadaan, waxaan ku qabnaa kalsooni badan tayada ciyaar-yahanada uu la soo sharti doono koobkan.

Ugu danbayntii boqolaal qof ayaa isugu baxay wadooyinka caasimadda Brazil iyaga oo dowladda ku eedaynaynaya qarashaadka ay ku bixisay mart-galinta koobka adduunka, inkastoo aad loo adkeeyay amniga garoomada lagu ciyaarayo.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS