|
|||||
WAJAALE NEWS
Komishanka Doorashooyinka oo Maanta 300 oo Qof ku Bilaabay Tijaabada Diwaangalinta Codbixiyaasha Doorashooyinka.
June 21, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(Wajaalenews) ;Komishanka Doorashooyinka ee Somaliland ayaa Maanta 300 oo qof ku sameyey Tijaabo qalabka cusub ee loogu tallo galay Diwaangalinta Codbixiyaasha ee laggu galayo doorashada Madaxtinimada ee Sanadka 2015 ee inagu soo foosha leh. Guddooomiyaha Ku meelgaadhka ee Komsihanka Doorashooyinka Maxamed Xirsi Gelle ayaa Maanta warbaahinta uga waramay Sidda ay u Bilaabeen hawshan iyo Qalabku nooca uu yahay iyo qofka meesha laga sawirayo.“Halkan waxanu ka biloownay tijaabo oo aanu ku sameynayno qalabka Diwaangalinta Codbixiyaasha oo aad ogeydeen in dhawaan ay bilaamidoonto, in kasta oo aanay wali bilaamin, arrintani waa tijaabo qalabka aanu ku sameynayno ee dadku yaanay u qaadan Diwaangalintii in ay bilaamantay, Waxaynu isla garanay in mushkilada diwaangalinta waxa kali ah ee aynu kaga baxayno ay tahay diwaangalin, si qof wal oo muwaadin ah oo reer Somaliland ahi hal mar uu is diwaangaliyo, Khubaradii arintan ku shaqada lahayd waxa laysla gartay in qof sawirka laga qaaddo Wiilka indha Qof, taasi macnaheedu waxa weeyi in haaddii qofku labba jeer galay in Wiilka indhaha qofka marka laga sawiro mar labaad in uu sheegayo, laga yaaba in qofkaasi sheegtay Da’a kala duwan Magacyo kala Duwan, laakiin sawirka indhaha laga qaaday ayaa sheegaya.”Ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Guddoomiyuhu wuxu sheegay in arrintani tijaabo tahay wixii ka soo baxana eegidoona, haaddii qalabku qabanayo iyo haaddii kale, waxa kale oo uu xusay in hawshan goob joog ka yihiin Xisbiyada Qaranka, ururada Bulshada iyo Akadamiyada nabada ee Somaliland
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|