Khudbadii Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ka Jeediyey Xaflad Ay U Qabteen Mas,Uuliyiin Hore Uga Tirsanaa Xukumada Udub Oo Maanta Kusoo Biiray Wadani | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khudbadii Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ka Jeediyey Xaflad Ay U Qabteen Mas,Uuliyiin Hore Uga Tirsanaa Xukumada Udub Oo Maanta Kusoo Biiray Wadani
June 12, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(wajaalenews) Khudabdii uu gudoomiye ciro ka jediyey munasibadii ay xisbigiisa ugu soo biirayeen xubno ka mid ah golahii wasiirada udub iyo xubno kale Khudbadda Gudoomiyaha WADDANI Xaflad Ambassador: Siyaasin magac leh oo ku soo biiray WADDANI Bismilaahi raxmaani Raxiim wa salalaahu calaa sayidiina Maxamed Wa calaa aalihu wa saxbihi Ajamaciin 1. Salaan:Siyaasiyiinta ku soo biiray Xisbiga WAADANI, Madaxda iyo taageerayaasha Xisibiga, Marti sharafta iyo saxaafadda salaamu calaykum wa raxmatuaahi wa barakaatuhu 2. Soo dhaweyn: anniga oo ku hadlaya magaca dhamaan madaxda , hawlwadeenada, taageerayaasha WADDANI waxaan ku soo dhaweynayaa Saleebaan Barkhad Qaloombi, Marwo Faadumo Suudi, Md Siciid Sulub iyo Md Axmed Cali Shire, taageerayaashooda inay ku soo biiraan Xisibiga WADDANI. Waxaan shaki ku jirin inaad awood badan iyo taloba ku soo kordhin doontaan xisibiga . Xisbiga mucaarida ah ee WADDANI wuxuu iridahaa iyo daaqadahaba u furay shacbiga Somaliland si loo helo cudud xoog leh oo dhalin karta is bedel taban. 3. Waajibaadka Waaxaha Qaranka Qaranka JSL waa 3 waaxood oo kala ha xeer dejin, garsoor iyo fulinta. Dastuurka JSL ayaa kala xadeeyey waajibaadka Waaxaha Qaranka. Xeer dejintu waxay u xil saaran tahay sameynta xeerarka iyo shuruucda. Garsoorku waxa u xilsaaran garsoorka . Fulinta waxay u xil saaran tahay fulinta hawlaha xukuumadda. Xeer dejintu miyey noqon kartaa garsoor ama fulin? MAYA. Sidoo kale fulintu ama xukuumaddu ma noqon karto xeer dejin ama garsoor? MAYA. Si uu inoogu hagaagto dawlad iyo maamul wanaagu waa inaan iska keen dhexgelin waajibaadka Waaxaha Qaranku. 99% xeerarka waxa soo curiya xukkumadda ka dibna waxay u soo gudbisaa xeer dejinta. Baryahan dambe waxa qalabka warbaahinta ku batay xeerar xukuumadu curisay iyaduna isu ansixisay. Sidii caadada ahayd xukuumadu Golaha ha u soo gudbiso wixii xeerar ah ee ay curiso si Goluhuna uga gutao waajibkiisa 4. Xadhiga Mudanayaal Xadhiga mudanyaal shacbiga doortay ama xubin ka ah Golaha Guurtida oo leh xasaanad, waa arrin aan sharcigu banayn, hey,adda amniga qaranku waa inay ogaadaan in arrintaasi aanay banaaneyn ilaa laga qaado xasaanada. Waa inaanay dib u dhicin talaabooyinkan aan sharciga waafaqsanayni oo aad moodo inay soo noqnoqnaynaan. Arrintaas waa xadgudub sharci. 5. Diiwaan gelinta codbixiyeyaasha: si aan u helo doorasho xalaal ah uuna suurtogalo tartan xor ah, waxa sharcigu waajibiyey in la sameeyo diiwaan gelin doorashada ha hor. Waxayn soo aragnay oo waayo arag u nahay waxa ka dhalan kara doorasho bilaa diiwaan gelin. Waxay ugu dambeeyey tii deeganka ee 2012. Waxa Guddida Doorashooyinka Qaranka sameyn doonaa diiwaan gelin tijaabo ah 20.6.2014. Waxa xiga in diiwaangelinta rasmiga ahayd bilaabanto Sept 2014. Waxaa in Axsaabta Qaranka, Xukuumadda iyo Golyaasha Qarankuba ka qayb qaataan wacgelinta shacbiga in aan helo diiwaan wanaagsan. Muwaadinku waxa uu xaq u leeyahay HAL COD keliya oo xisibiga uu doono siin karo. Laba (2) cod ama ka badan muwaadin xaq uma lihid. Muwaadinka sameeya diiwaan gelin hal mar ka badan waa inuu mutaa CIQAAB. Xeer Dejinta waxa ku waajib ah inay dhamays tirto haddi ay jirto qaybo sharci ka hor bilawga diiwaan gelinta. Waa in laga taxadaraa talaabo kasta oo carqalad ku keeni karta qabashada diiwaan gelinta codbixiyeyaasha. 6. Koomishanka doorashooyinka Qaranka: Waxaan soo jeedinaynaa in xubnaha Guddida laga dhigo sagaal (9) xubnood . Waxaan waayo arag u nahay inaan todobada xubnood ku filayn xili doorasho, iyada oo loo baahn yahay in xubnuhu u kala baxaan dhamaan Gobolada dalka. Xarunta waa in ay joogaan ugu yaraan saddex xubnood si u sahlanaato xil gudashada culus ee xili doorasho. Waxaan kale oo jeedinaynaa in xisbi kastaa soo magacaabo 3 xubnood, loona miisaamo dhamaan gobolada dalka JSL. Arrinta komishanka Qaranka waxaan soo jeedinaynaa in xukkumadda iyo axsaabta qaranku kulan wada tashi dhakhso isugu yimaadaan. 7. Xadhiga Xuduuda dalalka aan jaarka nahay: Waxa loo baahan yahay , xukuumadana waajib ku ah sababtu waxay doonto ha noqoto , in haddii la xidho xuduudka dal Somaliland la jaar ah Somaliland in xukuumaddu shacbiga war geliso talona siiso shacbigeeda. 8. Doorashada Madaxtooyada JSL 2003dii iyo 2010kii midna laguma darin doorashada Madaxweynaha doorasho kale mid deegaan iyo mid gole wakiilo toona, taas darteed, iyada oo la raacayo hab dhaqankaas hore waa inaan doorashada Madaxweynaha lagu darin doorasho kale ee keligeed la qabto waqtigeediina la qabto.   Wajaalenews.net Hargeisa/Office C/Raxmaan Carab Daud

COMMENTS
LINKS