Itoobiya Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Gacanta Ku Dhigeen 25 Qof Oo Ka Tirsan Kooxda Al-Shabaab. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Gacanta Ku Dhigeen 25 Qof Oo Ka Tirsan Kooxda Al-Shabaab.
June 6, 2014 - Written by Wariye:

itoHargeysa(Wajaale News)-Booliiska dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay 25 qof oo ay sheegeen inay xidhiidh la leeyihiin Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo qorsheynayay in ay qaraxyo ka gaystaan gudaha dalkeeda, sida ay maanta oo Khamiis ah sheegeen saraakiil Itoobiyaan ah.

Afhayeenka xukuumadda Itoobiya, Shimeles Kemal ayaa sheegay in dadka la soo xidh-xidhay ay soo tababartay Al-shabaab ayna qorsheynayeen inay qaraxyo ka  gaystaan deegaanka Jimma oo 305-km dhinaca Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaas.

“Waxay ciidanka booliisku gacanta ku dhigeen 25-qof oo qorsheynayay inay ka geystaan Itoobiya qaraxyo,” ayuu yidhi Kemal

“Ciidamadayada Soomaaliya ku sugan way sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan kuwa argagaxisada ah”

“Ma filayo inay jiraan wax khatar weyn oo weyn oo dalkeenna kusoo wajahan oo ciidamadeenna heegan ku gelinno, balse taxaddar weyn ayaan sameynaynaa.”

Wajaale News
Hargaysa Office
Email;habane00@gmail.com
Wariye: Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS