Isku EKaanshaha Hogaaminta Madaxwayne Siilaanyo Iyo Xukuumadii Riyaale Ee Dhinaca Dawladaha Hoose Iyo,Balantii Is Badalka,,,, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isku EKaanshaha Hogaaminta Madaxwayne Siilaanyo Iyo Xukuumadii Riyaale Ee Dhinaca Dawladaha Hoose Iyo,Balantii Is Badalka,,,,
June 17, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews) ;Tan iyo maalintii doorashadii u horaysay ee golayaasha deeganka  loo dareeray waxay dadwayanaha somalailand iyo deeq bixiaasha inaga taageera qabsoomida doorashooyinka ay u arkayeen talaabo hore loo qaaday, oo dhinaca maamul daadajinta ah deegaan walibana yeelanayo,gole deegaan oo u madaxbanaan horumarinta adeegyada bulshada, ee aas aasiga ah

gabileyWaxaa lafilayay in xubnaha golayaasha deegaanku gudoonkooda u dooran doonan iyadoo wax fara galinihi dhinacna aanay kaga iman,Iyadoo laraacayo xeerka golayaasha degaanka dalka,Xeer no(23)kaasi oo qeexaya wada shaqaynta  xildhibanadii ladoortay layeelanayaan wasaarada arimaha gudaha.

Hadaba si ay taariikhdu u xusto waxaynu qormadeenan kusoo qaadan doonaa dhacdooyin ka marag furaya, isku e kaanshaha siyaasada hogaamineed ee dhanka dawladaha hoose ee madaxwayne siilaanyo iyo madaxwaynihii  hore ee Daahir Riyaale iska shabahaan.iyo balantii isbadalka oo meesha kabaxday

Aynku bilowno  dhaliilaha ka muuqda golayaasha deegaanka dalka balse ay idhaha ka qarsadaan;

1Ffadhiyada caadiga ah oo baaqda iyo mooganaanta  wasaarada arimaha gudaha

2;Musuqmaasuqa iyo ku tagrifalka dakhliga dawlada hoose oo xaddhaafa iyo hantidhawkii oo ka seexday

3;Dayn tiro badan oo maayarba maayar ku wareejo waxna aan laga waydiin

4;Muranka dhulka oo marar badan nabadgalo daro soboba  kaasi oo a saldhig uyihiin masuuliiinta dhulka ee dawlada hoose

5;Masuuliiinta waaxaha ee dawlada hoose oo hab beeleed lagu qaybsado taasi o sobabtay in a meesha ka baxdo kala danbayntii,

Markale waxaa xusid mudan  isku  ekaanshaha hogaaminta madaxwayne siilaanyo iyo xukuumadii riyaale ay labaduba u dhago  nugul  yihiin gar iyo gardarabana ay ku difaacaan hadba maayarka u jajaban waxa  madaxtooyada laga jecelyahay iyadoo dhacdoyinkaa aan kor kusoo xusnay muujinayaan isku e kaanshaha  hogaaminta madaxwayne siilaanyo iyo tii daahir riyaale iyo balantii isbadalka oo meesha ka baxday

 

WAJAALENEWS DESK

KADHIIBO FIKIRKAAGA

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS