|
|||||
WAJAALE NEWS
Isku EKaanshaha Hogaaminta Madaxwayne Siilaanyo Iyo Xukuumadii Riyaale Ee Dhinaca Dawladaha Hoose Iyo,Balantii Is Badalka,,,,
June 17, 2014 - Written by Editor:Hargeisa(Wajaalenews) ;Tan iyo maalintii doorashadii u horaysay ee golayaasha deeganka loo dareeray waxay dadwayanaha somalailand iyo deeq bixiaasha inaga taageera qabsoomida doorashooyinka ay u arkayeen talaabo hore loo qaaday, oo dhinaca maamul daadajinta ah deegaan walibana yeelanayo,gole deegaan oo u madaxbanaan horumarinta adeegyada bulshada, ee aas aasiga ah Waxaa lafilayay in xubnaha golayaasha deegaanku gudoonkooda u dooran doonan iyadoo wax fara galinihi dhinacna aanay kaga iman,Iyadoo laraacayo xeerka golayaasha degaanka dalka,Xeer no(23)kaasi oo qeexaya wada shaqaynta xildhibanadii ladoortay layeelanayaan wasaarada arimaha gudaha. Hadaba si ay taariikhdu u xusto waxaynu qormadeenan kusoo qaadan doonaa dhacdooyin ka marag furaya, isku e kaanshaha siyaasada hogaamineed ee dhanka dawladaha hoose ee madaxwayne siilaanyo iyo madaxwaynihii hore ee Daahir Riyaale iska shabahaan.iyo balantii isbadalka oo meesha kabaxday Aynku bilowno dhaliilaha ka muuqda golayaasha deegaanka dalka balse ay idhaha ka qarsadaan; 1Ffadhiyada caadiga ah oo baaqda iyo mooganaanta wasaarada arimaha gudaha 2;Musuqmaasuqa iyo ku tagrifalka dakhliga dawlada hoose oo xaddhaafa iyo hantidhawkii oo ka seexday 3;Dayn tiro badan oo maayarba maayar ku wareejo waxna aan laga waydiin 4;Muranka dhulka oo marar badan nabadgalo daro soboba kaasi oo a saldhig uyihiin masuuliiinta dhulka ee dawlada hoose 5;Masuuliiinta waaxaha ee dawlada hoose oo hab beeleed lagu qaybsado taasi o sobabtay in a meesha ka baxdo kala danbayntii, Markale waxaa xusid mudan isku ekaanshaha hogaaminta madaxwayne siilaanyo iyo xukuumadii riyaale ay labaduba u dhago nugul yihiin gar iyo gardarabana ay ku difaacaan hadba maayarka u jajaban waxa madaxtooyada laga jecelyahay iyadoo dhacdoyinkaa aan kor kusoo xusnay muujinayaan isku e kaanshaha hogaaminta madaxwayne siilaanyo iyo tii daahir riyaale iyo balantii isbadalka oo meesha ka baxday
WAJAALENEWS DESK KADHIIBO FIKIRKAAGA EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|