|
|||||
WAJAALE NEWS
Imtixaanadkii Shahaadiga Ahaa Ee Fasalada Afaraad Iyo Sideedaad Oo Maanta Dalka Si Rasmi Ah Uga Bilaambay Iyo Masuuliyiinta Waxbarshada Oo Ka Warbixiyey
June 21, 2014 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)-Imtixaanadkii Shahaadiga ahaa ee fasalada Afaraad ee dugsiyada sare iyo Fasalada Sideedaad ee Dugsiyada Hoose ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaanba dalka gudihiisa. Masuuliyiinta sar-sare ee Wasaarada Wax barashada Somaliland oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay magalaada Hargeysa ayaa waxaa ay ka warbixiyeen qabsoomida imtixaanadka iyo sida oo kale tirada Ardayda ah ee sanadkan u fadhiisatay “Maanta waxaa bilaabmay oo bishu 21-tahay Imtixaanadii shahaadiga ahaa ee fasalada Afaraad ee Dugsiyada Sare ee fasalad Sideedaad ee Dugsiyada Dhaxe,waxaana ay ka bilaabmeen dalka darif ilaa darif tirada maanta imtixaanada u fadhiisanaysa maanta hadaan si guud idiinku sheego waa 7779-Arday oo dugsiga sare ah ayaa u fadhiisnayaa dugsiyada dhaxena waxaa u fadhiisanaya 13320-Arday”Ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax(Gadhwayne) Wasiirka wasarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in meelkasta imtixaanadku ay ka socdaan,waxaana ay tidhi: “Meel kasta oo xuduuda Somaliland ah Imtixaankii si wanaagsan ayaa uu uga socdaa waa ilaahay mahadii”
WAJAALENEWS DESK EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM – COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|