Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Indha-Sheel Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay xaalada Taleex | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Indha-Sheel Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay xaalada Taleex
June 20, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Hogaamiye Kooxeedka sheegta in uu yahay Madaxweynaha Kooxda Nabad diidka ah ee Khaatumo Maxamed Jaamac Yuusuf  Indha-sheeel oo dhawaan ay Ciidamada Qaranka Somaliland ka sareen Dagmada Taleex Ee Gobalka Sool ayaa markii ugu horaysay ka hadlay qabsashada Ciidamada Qaranka Somaliland ee Dagmada Taleex.

Jaamac Yuusuf  Indha-sheeel ayaa isaga oo lahadlaaya qaar ka mida warbaahinta ka hawl gasha deeganadasi waxaa uu sheegay in deeganadaasi ay Ciidamada Somaliland ee haysta ka kicin doonaan waxaana uu carabka uu kudhuftay in ay leeyihiin wali awood ay iska caabiyaan ciidamada Somaliland waxaana uu yidhi:
“meel kasta oo deegaanka lahaysto ah waanu wada Hadalnay inay dadku kacaan oo hawlgallo ka sameeyaan oo ay meel walba kula dagaalamaan cadowga, wiilashan yaryari ilaa iyo saylac ka yimi” ayuu yidhi Indha-sheel.
Mudane Indha- Sheel aya isaga iyo kooxdiisa nabad diidka ah oo dhawaan dhaqdhaqaaqyo amni daro ka abaabulayey deeganadaasi,waxaa ay dhirbaaxo wayn ay kala kulmeen Ciidamada Qaran Somaliland oo ka baacsaday meelihii ay joogeen isla markaana ay waayeen wax awood ah oo ay iskaga caabiyaan.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
 

 

COMMENTS
LINKS