|
|||||
WAJAALE NEWS
Hargeysa Oo Laga Xusay Maalinta Deegaanka iyo Marwada Koowaad Oo Ka Qayb Gashay.
June 5, 2014 - Written by Wariye:
Waxa Munaasibadan soo qabanqaabiyey wasaarada Deeganka iyo horumarinta reer miyiga waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaarada Deeganka iyo Horumarinta Marwo Shukri Xaaji ismaciil Bandare, Wasiirka Waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan, wasiir-kuxigeenka Caafimadka Nimco Xuseen Qawdhan, Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Solteco ayaa ahayd mid si qurux baddan loo soo Diyaariyey, waxana lagu qaybiyey illaa in ka badan 1,000 Kun geed oo Dhir ah. 10Wasiirada Deeganka iyo Horumarinta Marwo Shukri Xaaji Ismaciil Bandare oo ugu horeyn halkaasi ka hadashay ayaa ka Faahfaahin ka bixisay Qiimaha ay leedahay maalinta Deeganka Adduun, waxay sheegtay in sanadkan ay ugu tallo gallee in dhir ak baddan Boqol kun oo geed ay qaybiyaan, waxayna Bulshada reer Somaliland u soo jeedisay in ay ilaaliyaan deegank oo aanay dhirta jarin, iyada oo dadweynahana ugu baaqday in dhirta la siiyey ay beertan. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deeganka iyo horumarinta reermiyiga Maxmaed Faarax ayaa ka sheekeyey marxaladiihii kala duwan ee ay soo martay wasaaradu iyo qorshayaasha ay ku illaalinaya deeganka. Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna munaasibadasi ka ayaa sheegtay in deeganku yahay nolosha koowad ee noolaha in la’ilaaliyan ay tahay. Wajaale News Related posts: War Deg-Deg ah: Madaxwayne ku Xigeenka Maamul Gobaleedka Puntland Oo Gaadhay Taleex Wakhti Degaan... Burco:Wasiir dawlaha wasarada waxbarashada Somaliland, ayaa manta xadhiga ka jaray Dugsi cusub oo bo... Nuur Daalacay Oo Heestiisa Wadani Dhabta Ah U Hibeeyay Madaxweyne Siilaanyo, Xisbiga Wadanina Ka Gar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|