Halkuu ku Dambayn Doonaa Damicii Muuse Biixi iyo Doorkiisii Kulmiye? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkuu ku Dambayn Doonaa Damicii Muuse Biixi iyo Doorkiisii Kulmiye?
June 10, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews) ;Muuse Biixi  Cabdi  gudoomiyaha Xisbiga kulmiye oo  ka mid ahaa saraakiishii Ciidamada ee hormoodka ka ahaa halgankii dalkan lagu xoreeyay, shaqsi ahaana ku lahaa  Sooyaal taariikheed oo weji badan leh

waxaa ka mid ahaa saraakiisha fara ku tiriska aha ee lahaa han siyaasadeed

Tan markii lagu guulaystay halgankii dib xoreynta ee lagu dhawaaqay Gooni isutaaga Jamhuuriyada Somaliland  Muj Muuse Biixi Cabdi Waxaa uu Wasiirka arimaha gudaha ka noqday Dawldii uu Madaxweynaha ka ahaa Madaxweyne Maxamed X Ibraahim Cigaal oo ahaa siyaasi  Ruug cadaa ah oo ay markiiba soo kala boodeen oo kama dambaystiina xilka wasiirnimo dhawr jeer intuu ka qaaday hadana soo celiyay kama dambayntiinta ku sagootiyay Maahmaaho duur xul ah oo  reebay mahadhooyin galay diiwaankiisa siyaasadeed wax xil siyaasadeed ah oo mudadaa dalka kamuu qaban oo aan ahayn in shirweynihii labaad ee Xisbiga kulmiye loogu doortay gudoomiye xigeenka 1aad xisbiga

Doorashada Muj  Biixi ee Jagadan waxaa suurta geliyay Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye ee waqtigaas ahna  Madaxweynaha Maanta ee JSL Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka dib markii uu Muuse Biixi culays badan ku saaray Gudoomiye Siilaanyo inuu sidaa u yeelo

Mr. Siilaanyo isga oo eegaya xiliga iyo duruufaha siyaasadeed ee xisbigu ku jiray waxaa si togan uga jawaabay codsigii Muj Biixi  isagoo rag  door ah oo damac ka hayay jagadan  ku qanciyay inay Mujaahid u daayaan oo aanay la tartamin sidoo kalena xubnihii beeshiisa uga soo qayb gelay shirweynaha ka codsaday inay codka siiyaan Muj. Muuse biixi

Mudo dhawr bilood ah ka dib waxaa shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye lagu qabtay magaalada Burco, shirkan oo qorshihiisa xileed ahaa in lagu doorto Gudomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga iyo musharax Madaweynaha Xisbiga uga qaybgalaya Tartanka Doorashada Madaxweynaha Qaranka, Mujaahid Muuse Bixi Cabdi wuu qaadacay inuu ka qayb galo shirkaas waxaanu ergo loogu tegay dabadeed shuruud ka dhigay in looga  ansixiyo Golah dhexe  inuu Mr. Siilaanyo xilka Gudoomiye nimada ku wareejinayo haduu ku guulaysto dorashada Madaxwaynaha, codsiga waa loo gooyay bal si uu yimaado uun goobta shirka ka dib markii Gudoomiye Siilaanyo ogalaaday inuu xilka ku wareejin mudo bil gudaheed guusha doorashada dabadeed

Mudadii u dhexaysa shirka Golaha dhexe ilaa iyo doorashadii Madaxweynimada ee xisbigu ku Guulaystay hogaaminta Dalkan oo xisbiga ku jiray xaalad siyaasadeed oo aad u adag maadama xisbigu ahaa xisbi mucaarad ah oo la loolamay xisbi xaakimkii UDUB waxaa marar badan soo if baxay khilaafyo badan oo dhexmaray Gudoomiye Siilaanyo iyo ku  xigeenkiisii Muuse Biixi kuwaas oo badankooda ay xaliyeen odayaashii kale xisbiga, waxaa muuqatay in khilaafyadani iska daba imanayay ay marba marka ka sii dambaysa ay sii adkaynaayeen wada shaqayntii labada Mujaahid oo aan isku cusbayn dakanooyin hore oo ay ka heshiiyeen kolay uurka iskugu hayay

Xubnaha odayaashii inta adan ka qaybta ka ahaa dhexdhexaadinta iyo xalinta khilaafyadaasi waxay intooda badani cadeeyeen  in mar kasta khilaafku ka imanayay dhinaca Mujaahid Muuse biixi inta badan jeclaa inuu ku dirqiyo Gudoomiye Siilaanyo inuu u meel mariyo dano ama go,aano gaar ah oo isagu leeyahay waxaana tusaale kooban loo soo qaadan karaa heshiikii Xisbigu la galay ururkii Qaran oo Mr. Biixi aad uga soo horjeestay

labadan Mujaahid waxay sii kala dhaqaaqeen Guushii doorashada dabadeed ka dib markii Muj Muuse biixi damcay in markale uu culays ku saaro Madaxweynaha la doortay inuu isaga loo daba fadhiisto inuu soo magacaabo xubnaha dawlada cusub ka galaya beeshiisa isla  isgana uu u magacaabo Wasiirka Maaiiyada xilka Gudoomiyaha xusbiga lagu wareejiyo

Madaxweynihii la doortay Mr Siilaanyo ayaa gaashanka ku dhuftay soo jeedimaha iyo dalabka Muj. Muuse marka laga reebo inuu oofinayo balankiisii ahaa inuu ku wareejinayo xilka Gudoomiyaha Xusbiga  waxaanu haatan si qaawan ugu sheegay in isaga Siilaanyo ahaan la doortay ee aan Mj Muuse la dooran xaq aanu u lahayn inuu u yeedhiyo waxaa u yeelayo iyo cida u magacaabayo tani waxay ahayd fariin ah qudunquutooy ku quus qaado la siinayay Muj Muuse oo ahayd inaan Mr Siilaanyo manta taagnayn halki uu cunaha ku qaban jiray ee uu gaadhay Himiladiisii

Hadaba dulucda qoraalkan waxaan uga dan leeyahay in tilmaan kooban ka bixiyo in Mujaahid Muuse Bixi uu maanta raadinayo fursado Siyaasadeed oo u horey u dayacay, kana ambaday jidkii uu mari lahaa  inuu ka midho dhaliyo damaciise siyasadeed,

Kamadambayntiina ma xuma inuu Muj Muuse aqbalo go,aankii ay guurtidu ku xalisay khlifaakii cakirna ee ka dhextaagnaa Xusbiga Kulmiye laakiin waxaan is leeyahay Mujaahidkii mid aad u muhiim ah ayaa seegtay oo ahayd in markii uu go,aanka aqbalay ku daro inuu iska casilay Xilki Gudoomiyaa Xusbiga Kulmiye waayo waxay aniga iila muuqataa wax dambe oo ugu hadhay ama ugu laaban xusbiga Kulmiye iyo hogaamintiisaba in aanay jirin

Allah Mahad leh

Mr. Ahmed Mohamed Omar(Talyaani)

ahmed.talyani@gmail.com,

Cellphone No. +252 2 4423 877

+252 7 999 66 11

COMMENTS
LINKS