Haatuf oo xayiran oo haddana sii daysan; Qalinkii M.Sagax | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haatuf oo xayiran oo haddana sii daysan; Qalinkii M.Sagax
June 30, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews) ;Waxaan halkan bulshada Somaliland iyo caalamkaba  ugu soo gudbinayaa surmo seegtada maamul xumo ee maanta ka jirta xukumada siilaanyo, waxaana taas ku tusa in shaqaalahii haatuf lakala naqaystay arimo gaara awgeed, waxaana maanta leeyahay mudane madaxweyne haatuf qof iyo laba la xidho ka weyn, waxaanay taasi maanta ku barbar dhacaysaa hadalkii maalintii mujaahid maxamed Xaashi Lixle uu geeriyooday aad ka tidhi BBcda  SNM waa wada lixle, waxaan ku leeyahay haatuf oo aad xukunto waxa kuu dhaami lahayd dalkoo aad xukunto, kuwa ku amar taaglaynaya shaadhka xukumadeed ee tolkaaga ah, tolbaa suganaya, maanta ayaanay cadaatay in aanay gacanta kuugu jirin, haddiise aad maanta badheedhay xukunkaaga cafisbaa raaci lahaa, ana waxaan intaas suganayey doorkayga anigoo ka dhigan hadaanu burco nahay maxay diyaaradu noo rushayn wayday.

 

haddaan taa kuu iftiimiyana waxaan ulla jeedaa annigoo ah ninka lagu xasuusto Haatuf ee haddana aan xidhnayn, is qarina aan ku jirin, waxanse kuu sheegayaa in Haatuf caga juglayn iyo xayiraad ku jirri doonin oo ka kaa danbeeyaa sii dayn doono.

gunaanadka hadalkaygan waxaan ku soo gabagabeynayaa aan dhowrno maalmaha soo socda .

 

Maxamed  Sagax

 

COMMENTS
LINKS