Guurti La Cameeyay Iyo Duqay la caaglaystay ; Qalinkii maxamed faarax miigane | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guurti La Cameeyay Iyo Duqay la caaglaystay ; Qalinkii maxamed faarax miigane
June 11, 2014 - Written by Editor:

Cali maxamadoow baadidii way cid laaday Waxa loo cabsanayaa wixii caynta loo galay

Waxaan maanta jeclaaday in aan waxa ka idhaadhdo xaalada dalku maraayo gaar ahaan hadal haynta ugu badan ee dadwaynaha rer Somaliland taas oo ah khilaafaadka xisbiga kulmiye iyo xukumadiisa

Waa hubaal hadii uu xisbi haya maalmulka dalkiisa  uu khilaaf soo kala dhex galo in uu khilaafkaasi saamayn balaadhan ku yelanayo habsami u socodka hawla xukuumadu u hayso shacabkeed maxaad se umalayn dawlad aan aqoonsi beesha calamka aan ka haysan taasi waa sababta aan hor dhaca uga dhigay ereyadan kooban ee aan kasoo qaatay mansadii candadawl ee uu tiriyay abwaan C/raxmaan Cumar Carshuur oo ah abwaan aad ugu xeel food sugaanta.

Dhamaan wasiiradii agaasimayaashi wasaaradaha iyo ururada dawliga ahi waxay ku mashquuleen oo ay hawlihii qaranka kaga mashquuleen sidii ay odayaasha iyo qucaasha belahooda ugu gacan galin lahaayeen madaxtooya, habeen walba waxaan TVga qaran ka daawana cuqaasha beelaha oo leh hadaanu nahay sulaadiintii beel heblaayo waanu taageersanahay murashaxnimada hebel, waa arima suna qaldan ku ah hab maamulka dawladnimo waa arin aan ku haboonayn milgaha suldaanimo kaagasii darane waxaan iyagan arkaayay niman xildhibaano golaha guurtida ka tarsin oo in ay degaankoodi tegeen dadna isku soo ururiyeen leh waanu taageersahay murashax hebel, waa arin iyaduna ceeb ku ah magaca iyo maamuuska golaha guurtida oo ah marjaca loo noqdo mar uu khilaaf yimaado, waxba yanan kusii tigaline abwaankii arintaas ka hadlay wuxuu yidhi “

Cuqaal magaca culimo la fasaqay duqay la caaglaystay

Cisi lumay cumaamdo batay guurti la cameeyay

Run cawaagan been loo cusburay faasuqa cilaantay

Waxaanu dhamaanteen ognahay xukumada maanta iyo kuwii ka horeeyayba, hadii waxa ka khaldan loo tilmaamo in ay aad uga cadhoodaan oo ay furka tuuraan shirar jara’id qabtaan iskana dhigaan niman aan wax ay qaldaanba jirin, waxa taas kasii daran niman wasiiro qaran ah oo magac beeled idaacadaha lasoo taagan iyo niman leh waxaan xukumada ka tegey markay tix galin wayday danaha beeshayda, waxaas oo dhan waxaa sabab u ah sida uu marka horeba xilka ku fuulay oo ahayd in ay wadeen odayaa beeleedyo kala dilaala hadba cida fadhida madaxtoyada iyo xildoonka, waxaa la guumaystay garashada  iyo cagliga shacabkan daacada ah, nin mucaarid ah ayaa maalin dhawayd madal ilyartu is qabatay lasoo joogsaday waxaan “xukuumada ka tagay markaan arkay in ay ka habowday wadadii wax qabadka waliba wuxuu ku sii daray waan sii joogikarayay hadaan doonayo” hada waan ogaynoo xilka waa laga qaaday, isku wada dar muxaafid iyo mucaarad labadaba wadadu way ka luntay kursi difaac iyo kursi dayday  ayay ku jiraan way yartahay inta daacada ahi.

Siyaasiyiin waxaan leeyayhay dan uma aha Somaliland odayaal magafoon loo dhiibo dan umaha Somaliland buuq iyo qaylo waxayse arintaasi lafjab ku tahay hiigsiga fog ee umadani hayaan ku tahay, ha dilina quluubta shacabka horaad dhawacyo ugu gaysateene, shacabkana waxaan leeyaahay dhigaha ka furaysta kusi difaaca iyo kursi dayday dantiisa u rooraya, waxba yaanan hadalka kusii raagine waxaan kusoo gaabinaya tuducyo ka mid ah maansada candadawl oo inoo sifaysa xaalda dalka

Howshoo cakiran weedh ku cadanyoodka

Ma caluuman aan ku ceshedu iyo xero cirwaynaanta

Cantoobsiga laba canlaynta caato laliwaaga

Khaladka u camdiga ciyaw libaax moodka

Halyay ciilka caynya afbarka iyo caama darajaynta

Cashar wada cibaado I arka ah khayr carshacarshaynta

Cuqaal magaca culimo la fasaqay duqay la caaglaystay

Cisi lumay cumaamdo batay guurti la cameeyay

Run cawaagan been loo cusburay faasuqa cilaantay

 

Wa bilaahi towfiiq

Mohamed faarah miigane

COMMENTS
LINKS