Gudoomiyaha xusbiga kulmiye muuse biixi muxuu ka yidhi Arinta ay beesha Subeer Awal Ku Qaadacday Adeegsiga Xawaalada Dahabshiil; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha xusbiga kulmiye muuse biixi muxuu ka yidhi Arinta ay beesha Subeer Awal Ku Qaadacday Adeegsiga Xawaalada Dahabshiil;
June 15, 2014 - Written by Editor:

REF: XK/XGX/0042012/2014                                                                           Date: 15/06/2014 

 

Ujeeddo; RAALIGALIN

Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Md, Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka raaligalinayaa shirkada Dahab-shiil hadal gaf ah oo ka soo yeedhay xubin ka tirsan xubnaha qurba jooga xisbiga kulmiye.

Dahabshiil wuxuu ka mid yahay shirkadaha safka hore kaga jira u adeegista bulshada, u samafalka shacabka iyo gurmadka hawlaha qaranka,

Sidaa daraadeed Dahabshiil iyo shirkadaha kalaba ma gayaan in lagu yidhaa waxaan qabanin.

Sida Dastuurkeenu qorayo waxaynu leenahay ganacsi xor ah, oo dalka oo dhan u adeega.

Mar kale waxaanu kaa raaligalinaynaa guud ahaan ganacsatada wixii duulduul ka soo gaadha hadalada siyaasada.

 

ALLAH                 MAHAD             LEH

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Md. Muuse Biixi Cabdi 

 

 

COMMENTS
LINKS