Gudoomiyaha KULMIYE wuxuu cadeeyay inuu madaxweyne noqon karo; faalo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha KULMIYE wuxuu cadeeyay inuu madaxweyne noqon karo; faalo
June 8, 2014 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews) ;tan iyo intii uu bilawday khilaafka xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE qaar badan oo ka mid ah dadweynaha reer SOmaliland waxay walaac ka qabeen in Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse BIixi Cabdi iyo Madaxweynaha Axmed Siilaanyo kii aan aragtidiisa la qaadanba aanu ku qanci doonin go’aamada guurtidu ka soo saarto khilaafkooda, balse ka dib markii ay labada dhinacba ogolaadeen go’aamadii ka soo baxay golaha Guurtida, isla markaana ay dad badani u arkeen in waxyaabo badan oo uu Gudoomiyaha KULMIYE ku doodayay laga tegay, balse la qaatay guddidii qoladii ay xukuumadu wadatay soo saartay ee liiska xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga, isla markaana Muuse Biixi ku qancay ee uu ogolaaday

Waxay arrintaasi bedeshay aragti ay dad badan oo reer SOmaliland ahi ka qabeen oo la xidhiidha inuu yahay nin askari ah, isla markaana aan ogolaan tiisa mooye tu kale. balse markii uu ku qancay qaar badan oo ka mid ah bulshada reer SOmaliland ayaa u arkay wakhti xaadirkan inuu Muuse yahay nin aan ahayn mid aan go’aankiisa bedeli karin, balse taasi bedelkeeda ah nin oday ah oo talo ka soo horjeeda qaadan kara, isla markaana danta qaranka dantiisa ka horumarin kara.

WAJAALENEWS DESK

WARIYE M,M. JAAMAC

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

FADLAN ARAGTIDAADA KA DHIIBO HADBA SIDA AY KUULA MUUQATO

 

COMMENTS
LINKS